U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Qaabka Ay Shirkadda Soma Oil & Gas Ku Xulatay 12 Block

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa  Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London.

Tartanka iibka ee dowladda federaalka ah ku qaban-doonto London 7-bada bisha soo socota, waxaa bannaanka ka ah oo aan tartankaas ku jirin Block-yo horay loo siiyey  Shell.Exxon iyo Soma Oil & Gas, shirkadda hore waxaa ay dowladdii Jaalle Siyaad ka heshay 60,000km2 oo dhaca bariga Soomaaliya halka Soma Oil & Gas ay horay u xulatay 12 block oo koonfurta Soomaaliya ah gaar ahaan agagaarka Baraawe iyo Marka, oo ay ku jiraan labo Block ka mid ah sida 7 & 8 ilaa  13 Bilyan oo Barrels am Birmiil.

Qormadan Waxaa ku baareynaa shirkadda Soma Oil and Gas oo qeyb ka ah qandaraasyada faa’ido iyo khasaaro.

Sidee Loo Samdeeyey?

Shirkadda Soma Oil and Gas waxaa lagu rejister-gareeyay Company House-ka dalka UK April 2013. Waxaa sameeyay ragga magacyadooda hoos ku qoran, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu tagay Uk 2013 kii:
Michael Howard oo madax ka ahaa Xisbiga Conservatives, UK ,The Earl of Clanwilliam oo xubin ka ahaa Aqalka Lords ee Ingiriiska (Boqortooyada UK), Robert Allen Sheppard oo Mareykan  ah, oo u soo shaqeeyay shirkado badan ee shidaal soo-saarayaal ahaa, ayna ka mid tahay British Petroleum, oo billowgii shirkadda ka ahaa Maareeyaha Guud (Chief Executive Officer), Basil Shiblaq, oo ahaa Ku-Xigeenka Maareeyaha Guud ee Shirkadda, wuxuu lee yahay khibrado aad u dheer oo maalgelinta khayraad ka dabiiciga ah. Horay wuxuu soo sameeyay shirkadda Ophir ee baarta shidaalka. Waa Lubnaani Masiixi ah.

Lahaashaha Shirkadda:
Lahaashaha shirkadda waxay ku salaysan tahay saamiyo ay kala lee yihiin badan keeda ragga kor ku qoran. Waxaa mudan in la sheego dad Soomaali ah inay ku jireen saamilayda, oo uu k mid ahaa Xasan Cali Khayre, oo ahaa agaasimaha gobolka (Regional Director) oo fadhigiisa ahaa Nairobi. Xasan Cali Khayre wuxuu ka baxay shirkadda hawsheeda markii loo magacaabay Raiisul Wasaaraha Soomaaliya.

Isbeddelka Maamulka Shirkadda:
Maamulka shirkadda dhowaan waa isbeddelay: Ragga kor ku qoran waxay 16 July 2018 si siman uga ruqseesteen agaasime-nimada. Hadda shirkadda waxaa weli agaasime-yaasha cusub ka mid ah William Richard Anderson (oo awal ahaan jiray CEO ga shirkadda). Is-beddelada cusub waxay ifafaale u yihiin Shirkadda Soma Oil and Gas in ay shirkad kale ku -dhex milantay oo xataa magaceeda is-beddelay. Waxaa dhici karta inay isu-diyaarinayso inay gasho Consortium oo magac cusub loo sammaynayo, ama ay leedahay oo aan annaga ogeynin. Mid waa hubaal: inay shirkadda isbeddel cusub ku socdo iminka.

Khibradda iyo maaliyadda shirkaddaan:
Shirkaddaan oo loo aasaasay inay Somalia oo kali ah ka shaqayso, wax khibrad ah ama maaliyad ah oo u yiilay meel ma jirin. Waa shirkad cusub oo loogu talo galay inay Soomaali ka shaqo gasho, lacag dayman ah, ama dad maal leh laga soo qeyb-geliyo oo laga siiyo saamiyo. Waxaa loogu talo galay heshiiska Soomaaliya ay la gasho in lagu maal-raadsado oo ka dibna hawlihii loo baahnaa la qabto. Maal-raadinta shirkadda waxay gaartay inay ka soo qeyb-galaan saami-ahaan bilyoneerka Ruushka ah ee Alexander Djaparidze. Waxaa kaloo shirkadda boor keeda ku soo biiray 2015 William Richard Anderson oo shirkado badan ka soo shaqeeyay; oo ay ka mid yihiin Euroasia Drilling Company, Geokinetics International Holdings iyo Prime Natural Resources Inc. Raggaas maal iyo khibrado way ku soo kordhiyeen shirkadda.

Shaqada shirkadaan ay ka qabatay Soomaaliya:
Afar bilood ka dib aasaaska shirkadda Soma Oil and Gas, shirkadda waxay timid Xamar 6da Agoosto, 2013, goor taasoo ay la saxiixatay Soomaaliya Heshiiska loo yaqaan “Heshiiska Khiyaarka Saysmikada (Seismic Option Agreement). Heshiiskan wuxu lee yahay sidaan:

Soma Oil and Gas waajibaad keeda (obligations)
Shirkadda Soma Oil and Gas waa inay ka baartaa badda Somaliya sal keeda shidaal. Waa inay samaysaa sahanka saysmikada (seismic survey). Qarashka ku bixi lahaa hawshaas waa inay la timaaddaa.
Waa inay soo ururisaa xogahii hore oo ay ka soo gadataa shirkadaha haaya xogahaasi. Xogaha waxaa ka mid ah xogaha jiyo-fisikada (magnetic and gravimetric iyo seismic), reboorada ceelasha, well logs iyo reboorada jioolojiyeed.
Waa inay Wasaaradda Batroolka ka dhex sammeeyaan Qolka Xogaha, si xogaha cusub iyo kuwii hore loogu kaydiyo iyo loogu darso.
Waa inay sameeyaan Qiimaynta Gobolka ee Shidaalka (Regional Evaluation for oil and gas in onshore and marginal areas of Somalia).
Sannadkii 2014 waxaa lagu daray heshiiska inay siiyaan mushaharad soo jiidan karta khubaro ka hawl gala wasaaradda (Capacity ga shaqaalaha oo la kordhiyo).

Dawladda Federaalka xil keeda ku aaddan heshiiska Seismic Option waa sidee?
Dawladda waa inay bixiso 12 balook oo baaris iyo soo-saar shidaal ah, oo ay Soma Oil and Gas ay ka dhex miranayso badda ay baartay oo la eg 114,000 km2.
Shirkadda Soma Oil and Gas waxay ka shaqaynaysaa baarista /soo-saarka shidaalka iyada ama shirkado kale oo ay iyada keensatay.
Waxaa loo oggol yahay inay shirkado ka khibrad ama ka maaliyad badan inay keensato oo ay kula gasho heshiis.

Si ay waajibaad keeda uga soo baxdo, Soma Oil and Gas waxay ka gadatay shirkadda CGG xogaha duugga ah oo waayahii hore la soo uruuriyay. Waxay kaloo keensatay shirkadda RPS oo qiimaynta dhulka iyo badda iyo sida shidaal looga heli karo u sammaysay. Ugu dambayn, shirkadda Soma Oil and Gas waxay la timid shirkad u sammaysa Saysmikada badda oo lagu magacaabo SeaBird oo waddanka China laga lahaa. Shirkadahaas 3da ah ayaa Soma Oil and Gas shaqada u qabtay.

Soma Oil and Gas heshiiska intii laga rabay way gudatay oo ah a, b, c, d iyo e. Somaaliya weli ma bixin 12 balook oo lagula gali lahaa Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement). Weli Soma Oil and Gas way ka sugaysaa inay Soomaaliya gudato waajib keeda ah bixinta balook yada.

Heshiiska Soma Oil and Gas iyo Soomaaliya xaggee ka xun yahay?
Weligaa dooro/digaag ma lagaaga gatay geel? Heshiiska waa sidaas. Soma Oil and Gas waxaa ka baxay lacag Doolar Mareekan ah 21 Milyan qiyaasta (in kastoo ay sheeganayso Doolar Mareekan 43 Milyan). Si kastaba ha ahaatee, lacag taas ama 21 ama 43 laguma beddelan karo 12 balook. Soma Oil and Gas waxaa faaiido u ah xataa 2 balook, laakiin in la siiyo 12 balook waa dooro ku gado hal geel ah.

Cashuurta Capital Tax Gain:
Soma Oil and Gas waxay timid Somalia mar laga baqayo badda Somalia, iskaba daayee in sahan iyo in la niyaysto shidaal laga qodo. Taas way ku ammaanan tahay Soma Oil and Gas. Dhinaca kale, waxay muujisay suurta-gal nimada in shidaal laga baaro badda Soomaaliya. In kastoo dadaal kaas ay sammaysay, haddana inta iyo mugga ay mudan tahay isla-shaqayn teeda waa inaan qiyaas ka haysano. Ma siin karno inay baaraan, kana soo saaraan shidaal 12 balook, ama 6 balook ama xataa 4 balook. Gorgortan xoog leh oo xanbaarsan maslaxadda waddanka waa in la tusiyaa shirkadda Soma Oil. Haddii 6 balook aan siino inay ka shaqeeyaan oo shirkado Farm-in ay keenaan, faaiidada ay ka helaan waa inaan cashuur ka qaadnaa, cashuur taas oo la dhaho Capital Gain Tax, la eg 35-50% faaiidada farm-in ka ay ka helaan.

Goobjoog News