U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Sirta Akhriska Wanaagsan Ee Darajooyinka Sare Lagu Gaaro

Sheeko:War

Ma is-weydiisay maalinna, sababta uu saaxiibkaa natiijooyinka sarsare u helo, idiinkoo isku iskuul ah, isku hal-macallinna uu wax idiin dhigo. Muxuu kaaga sare maraa?

Hubaal waxaa ah in dadka intiisa badani ay waddo kasta u maraan sidii ay si wanaagsan wax ugu akhrin lahaayeen natiijada ugu fiicanna ay u heli lahaayeen.

Hadaba, si aan talooyinka ugu fiican u helo, waxaan la xiriirnay Caalim ka mid ah aqoonyahannada fara ku tiriska ah ee ka tirsan hoggaamiyeyaasha aqoonta dalka, gacantoodana ay kusoo aflaxeen dad farabadan oo jagooyinka ugu sarsarreeya dalka ka qabtay, waa Professor. Admiral. Faarax Axmed Cumar ‘Faarax Qare’, waxaan hordhignay su’aasha ah habka ugu wanaagsan ee wax loo akhriyo.

Professor-ka waxa uu ka hadlay nuxurka akhriska wanaagsan oo ah mid faham ku dhisan, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Marka ugu horreysa waxaa muhiim ah inaad fahamto nuxurka waxa aad dhiganeyso, cashar kasta mawduuc gaar ah ayuu ka hadlaa, mushikilad goonni ahna wuu xalliyaa, waa inaad fahamto theory-ga casharka ka dambeysa iyo dhibaatada uu daaweynayo, waxaa markaa hubaal ah inaanuu weligaa maskaxdaada ka go’ayn.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Dhacdo kasta oo aqooneed waxay leedahay taariikh u gaar ah, goob ay ka dhacday iyo mushkilad bulsho oo ay xallinayso, inaad arrimahaas fahamtaa waxay kaa garab siinayasaa inaadan weligaa illoobin casharka aad akhrineyso.”

Professor-ku waxa uu ku talinayaa in markasta uu ardaygu xoogga saaro maadadiisa takhasuska u ah, kadibna uu akhriyo maaddooyinka kale ee muhiimka u ah noloshiisa si macluumaadkiisa guud uu u xoojiyo, iyadoo aanuu qofku isku dhibayn inuu waxwalba barto.

10-qodob ee akhirska wanaagsan saldhigga u ah

  1. Focus – Xoog Saarid

Inaad shay xoogga saarto oo dhoohanaanta iska ilaaliso waa furaha akhriska wanaagsan; maskaxda saafiga ah ee mashquulka kale ka maran ayaa ah tan loo baahan yaahy, wakhtiga ugu habboon waa xilliga hore ee subixii, waana wakhti ay maskxdaadu saafi tahay.

2. Muhiimadda Maadada u Gaarka ah

Tusaale ahaan; haddii aad baraneyso maaddo suuqgeyn ku saabsan, ku fakar sidii aad maadadaa hadhow ugu fulin lahayd shaqadaada oo aad ugu dabaqi lahayd noloshaada, haddii aad maadada taariikhda ah baraneyso; daawo filim documentary ah oo fahamka taariikhda kaa taageeri kara, xilligan aan joogno way sahlan tahay inaad internet-ka ka hesho.

  1. Ha kuu muuqto hadafkaaga waxbarasho

Markaad hadaf gaar ah daba socoto si dhab ah, waxaa xaqiiqo ah inaad maalin un gaareyso; intii aad wax u akhrin lahayd sabab imtixaan, naftaada u diyaari sidii in lagaa doonayo wixii aad fahamtay inaad dad kale u sharraxdo; wadaasi waxay kaa garab siisaa in fikirkaaga aad diyaariso, macluumaad wanaagsanna aad hesho.

  1. Akhrinta ka hor diyaargarow samee

Sameyso jadwal akhris ah oo qorshe maalinle ah ku salaysan, qayb kasta, farac kasta iyo maaddo kasta, maxaa yeelay; wakhtigeennu inta badan waa mid furan oo aan jadwal lahayn, waxbadan ayaanana inagaga lumay arrintaas.

  1. Maddooyinka adag Ka bilow

Ka bilow maaddooyinka adag si aad u dareento inaad tallaabooyinkii ugu adkaa aad ka gudubtay, inta kuu soo hadha inaad dhameystirtaa way kuu fududaaneysaa.

  1. Meel Go’an wax ku akhri

Meel u go’an oo aad wax ku akhriso sameyso, ka fogow goobaha cuntada, telefishinka iyo xitaa mobile-ka, waxaana sii wanaagsan inaad sariirta ka fogaato.

  1. Ka fogow waxyaabaha ku mashquulin kara

Sannooyinkii dambe, mobile-llada Smarts-ka ah waxay noqdeen waxa ugu badan ee wakhtiga lumiya, sidaa darteed waxaan ku talineynaa inaad iska fogayso xilliga wax akhriska iyo maalmaha imtixaanka.

  1. Qaado cunnooyin caafimaad, jimicsina samee

Ka fogow cunnooyinka baruurtu ku badan tahay xilliga imtixaanka, inta badan caajis ayaa laga qaadaa qofkuna nasasho ayuu u baahdaa, sports-ka samee ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii, arrintaasi waxay kaa garab siinaysaa inaad si wanaagsan wax u barato.

  1. Isticmaal erayda dhiirrigelinta ah

Halkan kaalinta ugu badan waalidkaa iska leh, waxaa laga rabaa iney ubadkooda dadaalka ku dhiirrigeliyaan  kuna taageeraan, erayada niyad-jabka ahna ka ilaaliyaan, laakiin ogow haddii aad cid kale dhiirrigelintaa ka waydo, naftaada adigu ku abaalmarin waxyaabaha wanaagsan ee aad gaarto, naftaadana ku guubaabi, gabayada iyo halhaysyada waxbarasho ee dhiirrigelinta leh, sida ‘Yaraanta wax ku barta wayntaanta waad ku arkaysaan…”

Goobjoog News