U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Sooyaalka Qoraa Axmed Maxamuud Dhicisow Oo Horay U Soo Noqday Ciyaaryahan

Sheeko:Cayaaraha

Axmed Maxamuud Dhicisow (Axmed Yaanyo) waa qoraa xaga arimaha bulshada,sidoo kale wuxuu soo noqday ciyaaryahan kubbadda cagta ah,isagoo isboortiga ka gaaray ilaa heer maamul waxaana hooyga uu ka dagan-yahay magaalada Muqdisho ku keedson boowaag kala duwan uu qoray iyo kuwa kale.

Kooxda Wasaarada Warfaafinta ee Madbacada Qaranka ayaa in mudo u ahaa xoghayaha guud ee naadiga wuxuuna Axmed Maxamuud Dhicisow,mudadaas ka qeyb galay tartamo kala duwan oo dhinaca ciyaaraha caalamka,isagoo sheegay in isboortiga uu ku yeeshay magac iyo maqaam sare.

Cabdullahi Maxamed Cabdullahi Buurane oo in mudo ah saaxiib dhaw la ahaa Axmed Dhicisow,sidoo kalane ah qabiir xaga ciyaaraha ayaa sheegay in Axmed Maxamuud Dhicisow (Axmed Yaanyo) uu umadda Soomaaliyeed ugu fadhiyo micno weyn loona baahan yahay in la waynayno wax qabadkiisa.

Axmed Dhicisow buuwaagta uu ka qoray xaga ciyaaraha sida weyn ay bulshada u aqristo waxaa ka mid ah buuga Gool ee ka hadlaya taariikda ciyaartooyda wuxuuna buugaas qoray xiligi barisamaadka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Sheekada Qoraa Axmed Maxamed Dhicisow

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/3269614263129139/

Maxamed Xuseen Qalinle