U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Tobanka Goobood Ee Aan La Ogoleyn In La Booqdo

Sheeko:Dalka

Website-ka caanka ah ee “Business Insider” ayaa daabacay liis goobaha Tobonka ah  ee ugu ilaalada badan adduunka isla markaana aan la ogoleyn iney cidina u soo dhawaato.

Goobaha 10-ka ah ee Ugu Ilaalada badan adduunka

  1. Jasiiradda Abeesooyinka, waxay ku taallaa dalka Brazil, daraasaadka la sameeyay waxay tilmaamayaan in Mitir Laba-jibaaran oo kasta ay ku nooshay abeeso.

Jasiiraddan waxaa kale oo joogta abeesada Labada madax ee dahabiga ah, waxaa la leeyahay halkeeda qaniinyo oo kaliya ayaa daadineysa hilibka aadanaha oo lafaha iyo hilibku kala soocmayaan!. Jasiiraddan ayaa magaceeda caadiga uu yahay “Ilha da Queimada Grande“.

2. “UN buffer zone, Cyprus

Goobtan ayaa waxaa ka dhacay dagaal sokeeye, dadka asalkoodu Turkiga yahay iyo kuwo Greece kasoo jeeda ee Cyprus ku wada nool, goobtan waxaa hadda gacanta ku haya QM, waxaa laga dhisay gidaarweyn[derbi], si aaney cidina ugu soo dhawaan.

3. Qabriga Boqor “Shi Huang

Qabrigan boqorkii Shiinaha ee Shi Huang ayaa ku aasan, markiisii hore waxaa helay beeraaley sanadkii 1974-tii, waxaana boqorkani uu geeriyooday sanadkii 210-miilaadiga horteed, dowladda Shiinuhu aad ayay u ilaalisaa in loosoo dhawaadana ma ogolaato, si aaney dhibaato u soo gaarin dhismaha qabriga oo mid taariikhiya ah. Boqorka waxaa ku ag aasnaa 2000 oo askartiisa ka mid ahaa.

4. Chernobyl, Ukraine

Sanadkii 1986 ayaa waxaa goobtan ka dhacday musiibo, kadib markii ay qaraxday warshad Nuclear-ka lagu farsameeyo, waxay ka mid tahay goobaha aan la ogoleyn in qof bani’aadam ah uu booqdo ama u soo dhawaado.

5. Area 51, Nevada

Waa saldhig milatari oo Mareykanku leeyahay, waa kan ugu sirta badan lama oga waxa gudihiisa ka socda ee lagu diyaarinayo, qofkii ogolaanshiyo amni haysta mooyaane cid kale uma soo dhawaan karo.

6. North Sentinel Island, India

Gacanka Bengal waxaa ku yaalla jasiiradaha Andaman iyo Nicobar, waxay ka tirsan yihiin dhulka ay maamusho dowladda India, waxaa halkaa ku nool qabiilka Sentinelese oo la leeyahay waxay halkaa ku noolaayeen muddo aad u dheer, dadkani ma ogola in cidina ay u soo dhawaato, dadka kalena aragti ayay ku dilaan. Sidaa darteed dowladda India waxay mamnuucday in dadkaa loo dhawaado.

7. Vatican Secret Archives, Vatican City

Dowladda yare ee Vatican-ka waxaa ku yaalla goob aad loo ilaaliyo waa 53-mayl oo shelves xogo ay ku kaydsan yihiin ah, waxaa iska leh kaniisayadda Catholic-ga. Cilmibaarayaasha waxaa loo furay sanadkii 1881, laakiin ma sahlana inaad hesho warqadda ogolaanshiyaha maktabaddaas.

8. Fort Knox, Kentucky

Waa goob dahabku ku kaydsan yahay gudaha dalka Mareykanka, waa goobta loogu ilaalinta badan yaahy adduunka

9. Svalbard Seed Vault

Waxay ku taallaa goob dhulka ka sarreysa 320 feet, waa meel u dhaxay Norway iyo Jasiiradaha North Pole, waxaa ku kaydsan abuurka 890,000 oo laga keenay dhammaan daafaha kala duwan ee adduunka, waxaa loogu talaggalay marka ay adduunka musiibo ka dhacdo in loo baxsado abuurka goobtaa yaalla. Dhirta dabargo’dana abuurkeeda in dib loo heli karo.

10. Lascaux cave, France

Waa god ku yaalla dalka Faransiiska waxaa ku xardhan sawirro ku xardhan oo qeyb ka ah taariikhda aadanaha, waxaa la helay 1940. Waxay noqotay goob dalxiis kadib dagaalkii labaad ee adduunka, laakiin carbo monoxide ayaa dhibaato u geystay sawiradii godka ku yaallay, sidaa darteed waxaa dadka laga xiray 1963, waxaana la sameeyay copy isagoo kale ah oo ay dadku booqan karaan.

Goobjoog News