U bood dhigaalka

Wax Kabaro Jasiiradda Abaay-dhaxan

Sheeko:Dalka

Dadka ku nool waddamada qaar ee dunida si ay dalkooda ugu dalxiisaan waxa ay ku qaadataa is-diyaarin waxaana macquul ah inay ku qaadato sannado badan.

Markaad Soomaaliya joogto inaad dalxiisto waxba kuuma jirto, deegaan-dalxiiseedka Abaay-dhaxan waa mid hawo dabiici ah Illaahay ku mannaystay, balse ma jirto cid ka faa’ideysta hantida dalxiis ee dalku leeyahay .

Deegaanka Abaay-dhaxan waxa uu Muqdisho kaga beegan yahay dhinaca koofureed, qiyaas ahaan waxa ay caasimadda u jirtaa ku dhawaad 17 KM.

Abaay-dhaxan waa Jasiirad yar waxaana ku lamaansan Jasiiradda Nimow oo marka labada Jasiirad la is kaga gudbayo ciddii aan lahayn aqoon dabbaalashi waxa ay ku qasbantahay in ay qaadato doon.

Deegaankan waxaa la dhisay labo qarni ka hor, waxaana ku yaalla dhismayaal qadiimi ah waxaana imaan jiray bari-samaadkii dalxiisayaal ajanabi ah.

In ka badan 50 qoys ayaa ku nool Jasiiradaha, noloshooduna waxa ay ku xiran tahay waxsoosaarka badda waxa ay ka kalluumaystaan Jasiiradaha Abaay-dhaxan iyo Nimow.

Deegaanka Abaay-dhaxan malaha goobo waxbarasho iyo kuwo caafimaad toonna, waxaana ku yaalla oo kaliya hal dugsi Qur’aan.

Maxamed Mustafe Axmed waa arday ku nool deegaanka Abaay-dhaxan waxa uu Goobjoog News uga warramay sida ay tahay xaaladda waxbarasho ee deegaankan waxa uuna yiri:

“Aniga yaraanteyda ilaa iyo hadda meeshan ayaan ku soo waxbartay waxa ayna ahayd sagaal sano ka hor, haddana waad arkeysaa meeshan dugsi qur’aankii macalinkii hayn jiray waa uu ka tagay “.

Maaddaama oo aan loo soo dalxiis tagin Jasiiradda Abaay-dhaxan xilligan, dadka degan waxa ay badda ka sameeyaan kalluumaysi waxa ayna u suuq-geeyaan suuqyada magaalada Muqdisho.

Cabdulqadir Cismaan waa kalluumeysade waxa uu Goobjoog News uga warramay halka ay u suuq-geeyaan kalluunka ay soo jillaabtaan waxa uuna yiri:

“Kalluunka aan ka jillaabanno Jasiiraddan waxa aan u suu-geynaa magaalada Muqdisho, hadda waxaa lagu jiraa xilligii shabaagta waxa aan ka xamaallanaa baddan”.

Deegaanka Abaay-dhaxan waxaa ku yaalla hal Masjid oo kaliya kaasi oo la dhisay xilli aad u fog, xilliyada fasaxa waxaa deegaankan u yimaadda dalxiis dad aan badnayn.

Goobjoog News