U bood dhigaalka

Wax qabadka dowladda Soomaaliya ee todobaadkii hore oo la soo saaray

Sheeko:War
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Hindisaha Awoodsiinta dhalinyarada, Howlgalka Gudiga Abaaraha, Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo Xafiiska la wareegey, Ximin & Xeeb oo ku soo biirtay heshiiskii Maamul u sameynta Gobolada Dhexe, Hindise Sharciyeedka heysashada Hubka sharci darada ah, xariga Xasan Xanafi oo Al-Shabaab ka tirsan, Horumarka Xasilinta Dalka iyo Arday u fariisatay imtixaanka waxbarasho deeq dibeda ah.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku bilaabay Hindisaha Awoodsiinta dhalinyarada: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ku sugnaa Washington DC oo uu uga qeybgalayey Shirka Madaxweynayaasha Afrika iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa 4tii August 2014 ku dhawaaqay hindiseyaal cusub oo lagu awoodsiinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa yiri “Dowlada Fedearalka Soomaaliya waxey diyaarin doontaa fursado ay dhalinyaradu wax ku qabsanayaan oo ay uga maarmayaan falalka dagaalada iyo rabshadaha. Waxaan si aad ah ugu faraxsanahay inaan ku dhowaaqo hindisooyin cusub oo aan si dhaqsi leh doonayeyno inaan u fulino oo ay ka mid yihiin; awoodsiin, barnaamijyo shaqo abuuris ah, nidaam lagu aqoonsanayo shahaadooyinka Jaamicadaha dalka, xoojinta matalaada dhalinyarada ee goobaha bulshaa rayidka, dowlada iyo siyaasada, Labo La-Taliye ee dhanka dhalinyarada ah oo aan u magacaabayo xafiiska Madaxweynaha, da’da shaqsiyaadka u tartamaya jagooyinka doorasho ee siyaasada in laga dhigo 18 sano iyo hindiseyaal kale.” Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray oo yiri “Dowlada Fedearalka Soomaaliya wey ka go’antahay in la abuuro jawi lagu dhiiri gelinayo dhalinyarada si ay xaquuqdooda iyo mas’uuliyadoodaba u gutaan. Dhalinyaradu waa mustaqbalka hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey howlgalka gudiga abaaraha ayaa yiri “7dii Agoosto ayaa Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Maxamed Baafo oo ah Gudoomiyaha Gudiga heer wasiir ee Abaaraha ayaa soo xiray seminar soconayey 3 maalmood oo gudigii loo xilsaaray ay uga hadlayeen sidii loo bilaabi lahaa howlaha gurmadka. Wasiirka ayaa sheegay in gudiga oo beryahan waday howlahooda ay isla garteen in baaq loo diro shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamka, oo si deg-deg ah loo soo gaaro shacabka ay saameysey abaaraha ba’an ee dalka ka jira. Gudiga ayaa sidoo kale sheegay inay dhowaan bilaabi doonaan gurmad deg-degga ah oo degaannada ay abaarahu sida ba’an u saameeyeen la gaarsiin doono gurmad deg-deg ah iyadoo lagu bilaabayo 500,000 oo dollar oo ah qoondadii ay dowladu ballanqaaday. Dowlada waxaa ka go’an in gacan bir ah lagu qabto cid walba oo isku dayda inay hor istaagaan gargaarka gurmaka ah ama cid kasta oo lagu helo musuqmaasuqna laga qaadi doono tallaabooyin cad cad.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey howlgalka Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa yiri “6dii Agoosto 2014 ayuu Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir uu si rasmi ah u howlgalay. Tallaabadan ayaa ah mid horey loogu qaaday dhanka dib u habeynta Garsoorka dalka. Xeer Illaaliyaha Guud ayaa sheegay inuu mudnaanta siinayo sareynta sharciga, bacdamaa sharcigu cid kasta uu ka sareeyo, dib u habeynta garsoorka Dalka, iyo la dagaalanka musuq-maasuqa. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ballan qaaday in uu furi doono xafiiska ilaalinta xaquuqda Shacabka (Consumer Protection Service) si looga ilaaliyo shacabka xadgudubyada saameynaya noloshooda. Ugu dambeyntii, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Daahir Cali ayaa sheegay in qorshaha dhaw ee xafiiskiisa uu ka mid yahay in dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka la gaarsiiyo adeega garsoorka gaar ahaan xafiiska Xeer ilaalinta iyo sidoo kale in la kordhin doonno qalabka iyo aqoonta xafiiska Xeer ilaalinta.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey dhameystirka Heshiiskii Maamul u sameynta Gobolada dhexe ayaa yiri “6dii Agoosto ayaa la dhameystiray heshiiskii maamul u sameynta gobolada dhexe oo dib-u-heshiisiin iyo wadahadal mudo socday lagu guuleystay in Ximin & Xeeb oo ka dhineyd saxiixa heshiiskaas ay saxiixeen. Ku Simaha Maaxweynaha Ahna Guoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, wasiiro, xildhibaano iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Mr Nicholas Kay ayaa goob joog ka ahaa xaflada heshiiskan. Ku Simaha Maaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey go’aanka Maamulka Ximan iyo Xeeb ugu soo biirtay Heshiishka Maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay garwadeen ka tahay Xukuumadda Federaalka, kaasi oo dhabaha u xaaraya in dadka degan gobolladaas ay dhistaan hal maamul Gobolleed oo ay ku midaysan yihiin. Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa isna u mahaceliyey dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato. Tallaabadan ayaa ah mid horey loogu qaaday dhanka dhaqangelinta nidaamka Federaalka ee Soomaaliya oo ah tiir muhiim u ah hiigsiga fog ee 2016ka (vision 2016).”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka ayaa yiri “Golaha Wasiirada ayaa 7dii Agoosto ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xakameynta iyo isticmaalka hubka sharci darada ah ee wax dila. Golaha ayaa si aqlibiyad ah u ansixiyey xeerkan oo dhowaan loo gudbin doono baarlamaanka. Sharcigan ayaa qeexaya hubabka noocyadiisa kala duwan iyo sida loo isticmaali karo. Sharcigan ayaa mamnuucaya arrimaha iibka, soo dejinta hubka, dhoofkiisa iyo heysashada hubka sharci-darada ah. Waana danbi in shaqsi uu ka ganacsado ama isticmaalo hub sharci daro ah oo qofkii lagu qabto la hor geyn doono maxkamad oo uu muteysan karo 5 sano oo xarig ah ama ganaax lacageed oo u dhiganta marka uu danbiga lagu soo oogey ku cadaado. Ujeedada sharcigan ayaa ah in la xakameeyo hubka si loo ambo qaado dadaalada nabadeynta iyo xasilinta dalka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey xariga Xasan Xanafi ayaa yiri “7dii Agoosto Golaha Wasiiradu waxa ay warbixin ka dhageysteen hay’adaha amniga oo sheegay in wada shaqeyn iyo iskaashi dhex-maray hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo Kenya lagu guuleystay in ciidanka Kenya ay gacanta ku soo dhigaan nin lagu tuhunsan yahay dilalka weriyeyaasha iyo muwaadiniin Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji,  Maxkamada Ciidamada ayaa codsatay in si deg-deg ah Xasan Xanafi Xaaji loo soo gaarsiiyo Soomaaliya si loo saaro maxkamad iyadoo loo heysto inuu dilal geystey oo eheladii dadkii la dilay ay dacwad u soo gudbiyeen oo kays-kiisa uu maxkamada ka furanyahay. Sidoo kale waxaa Xasan Xanafi loo heystaa oo kale inuu boob hanti u geystey muwaadiniin Soomaaliyeed isagoo markaas adeegsanayey magaca kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab oo uu ka tirsan yahay. Xasan Xanafi ayaa u qaabilsanaa Al-Shabaab dhanka warbaahinta oo uu si joogta ah hanjabaad joogta ah u geysan jirey weriyeyaasha Soomaaliyeed, kuna qasbi jirey inay warar been abuur ah sheegaan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka qorshaha xasilinta dalka ayaa yiri “Hay’adaha amniga ayaa in mudo ah ku howlanaa dar-dar gelinta qorshaha xasilinta dalka oo magaalada Muqdisho si joogta ah loo baarayey goobaha lagu tuhunsanyahay kooxaha Al-Shabaab iyo danbiilayaasha. Usbuucan waxaa lagu guuleystay in goob ku taal Xareryaale oo laga soo abaabuli jirey weerarada iyo qaraxyada gacanta lagu dhigey oo dhammaan agabyadii loogu tagey goobtana ay gacanta dowlada ku jiraan. Sidoo kale waxaa lagu guuleystey in 11 ka tirsan Al-Shabaab la soo qabtay oo baaritaano ay ku socdaan, isla markaana 2 gaari oo lagu helay walxaha qarxa iyagana gacanta lagu dhigay oo la baarayo. Waxaana laga hortagey qaraxyo lala damacsanaa Xeebta Liido oo argagaxisadu damacsanaayeen inay shacabka ku gumaadaan. Dowladu wey ka go’antahay inay sii wado qorshaha xasilinta dalka si kooxahan argagaxisada looga sifeeyo dalka oo dhan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlayey imtixaanka deeqaha waxbarasho ayaa yiri “Ardey gaareysa 354 ayaa 7dii Agoosto u fadhiistay imtixaan oo ay ku tartameyaan 280 deeq waxbarasho ee dalalka Yemen iyo Sudan. Wasiirada waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Haweenka ayaa goob joog ka ahaa imtixaanka si loo hubiyo in imtixaanku u dhaco si cadaalad ah, isla markaana ay ku dhiiri geliyeen ardeyda inay fursadaha waxbarasho ee la siiyey ay ka faa’iieystaan. Wasiirka Tacliinta Sare ayaa sheegay inay abuureen guddi madaxbannaan oo maareeya deeqahan si ardeyda ay si furfuran oo cad-cad u tartamaan oo ay u noqdaan ardey ka bixi karta fursadaha waxbarasho ee la siiyey. Wasiirada Haweenka ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay aragto gabdho fara badan oo imtixaanka ka qeybgalaya kuna dhiiri gelisay gabdhaha inay waxbarashada ku mintiyaan si ay mustaqbal fiican u yeeshaan.”
– DHAMAAD –

Wasaaradda Warfaafinta & Hannuunita Dadweynaha