U bood dhigaalka

Wax qabadka dowladda Soomaaliya ee todobaadkii tagay (Aqriso)

Sheeko:War
Wasiirka war faafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
Wasiirka war faafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Deeqo waxbarasho loo fidiyey ardeyda Soomaaliyeed, Dowladda oo dib u heshiisiin ka dhex wada beelo ku diriray Gobolka Hiiraan, Kalfadhiga baarlamaanka oo la soo xiray, Shirkadaha Isgaarsiinta oo heshiis kala saxiixday, Howlgalada ciidanka oo guulo laga gaaray, dib u habeynta garsoorka dalka, horumarka maamulka maaliyadda, xukunno dil ah oo lagu fuliyey argagaxiso, iyo baaqa bisha Ramadan iyo Ciidda.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku bilaabay Deeqaha waxbarasho ayaa yiri “Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Adan Maxamed ayaa usbuucan soo bandhigay qorshaha deeqaha waxbarasho ee caalamku ugu deeqo Soomaaliya. Guddi madaxbanaan oo ka kooban khubaro dhanka waxbarashada ah oo ka tirsan bulshada rayidka ayaa loo xilsaaray inay deeqahaas si tartan furan ah oo cadaaladi ku jirto loogu qeybiyo ardeyda Soomaaliyeed. Waxaana la go’aamiyey in dhammaan ardeyda daneyneysa deeqahaas ay imtixaan u fariisan doonaan oo ardeydii ugu darajo sareysa la siin doono fursadahaas. Dowladda waxaa ka go’an in shacabka laga kasbado kalsooni oo deeqahan ay noqdaan kuwa si cad-cad oo si isla xisaabtan ah loo maareyn doono. Waddamada aan saaxiibka nahay ayaa sanad walba u qoondeeyo deeqo waxbarasho ardeyda Soomaaliyeed oo aan uga mahadcelineyno waddamada Sudan, Yemen, Masar, China, Ruushka iyo India, waxaana ka codsaneynaa waddamada kale inay taageeraan ardayda Soomaaliyeed bacdamaa waxbarashadu ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso horumarka dalka.”

Wasiirka Warfaafinta oo raaciyey dadaalka dowladdu ugu jirto dib u heshiisinta ay ka wado Hiiraan ayaa yiri “Wasiir ku xigeennada Arrimaha Gudaha Mudane Cabdiraxman Bankax iyo Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdi Cismaan ayaa usbuucan ku sugnaaa Beledweyn si ay dib u heshiisiin u dhex dhigaan beelo ku dagaalamay deegaanka. Wafdiga Dowladda ayaa kulammo joogta ah la yeelanayey dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horreeyaan madax dhaqameedka deegaanka si collaadaha loo soo afjaro oo nabad waarta loo wada qaato. Siyaasadda dowladda ayaa ah in dhammaan khilaafaadka jira lagu xaliyo si dib u heshiisiin iyo nabadeyn ah. Wafidgan ayaa sidoo kale booqday xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay halkaas ammaan iyo bogaadin uga soo jeediyeen ciidamada AMISOM oo dadaallo fara badan ka sameeyey gobolka Hiiraan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey xiritaankii kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka ayaa yiri “22kii July 2014 ayaa kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka la soo xiray. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo soo xiray ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey, kuna ammaanay howlaha muhiimka ah ee labadii sano ay soo qabteen, isla markaana ka codsaday in marka ay soo noqdaan loo baahan yahay in la labo jibaaro howlaha baaxadda leh ee horyaalla si dalka looga hirgeliyo doorashooyin sanadka 2016ka. Baarlamaanka ayaa labadii sano oo ay jireen qabtay howlo muhiim ah oo ay shuruuc fara badan ansixiyeen, kuwo kalena ay u dhiman yihiin. Baarlamaanka waa hay’ada sharci dejinta dalka, ahna hooyada hay’adaha dowliga ah ee dowladda. Labadii sane ee la soo dhaafay baarlamaanku aad buu u shaqeeyey oo uu kasbaday kalsoonida shacabka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey heshiis ay shirkadaha Isgaarsiinta wada gaareen ayaa yiri “Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ayaa in muddo ah waday wadatashiyo ay la sameyneysey shirkadaha isgaarsiinta si ay u wada shaqeeyaan oo shacabka loo gaarsiiyo adeegyo tayo leh. Waxaana lagu guuleystay in shirkadaha isgaarsiinta ay wada oggalaadaan inay wada shaqeeyaan oo shacabka ay helaan fursad ay telefoonada iska wada waci karaan, tanoo u sahleysa shacabka inay hal telefoon isticmaalaan halka ay hadda 3 telefoon ku qasbanaayeen. Wada shaqeynta shirkadaha waxey keeneysaa tartan furan oo adeegyo tayo leh oo raqiis ah siin doona shacabka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey howlgallada ciidamada ayaa yiri “Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo lagu guuleystay ka sameeyey deegaano badan oo ay ka mid yihiin Buule Burde, Berdaale, iyo deegaano ka tirsan gobolka Bakol oo kooxaha nabad diidka ah looga dilay maleeshiyaad fara badan. Ciidanka ayaa in muddo ahba howlgaladda ay ku hubinayeen in maleeshiyaadka Al-Shabaab aysan ku soo noqon deegaanadii laga xorreeyey. Dhowr jeer oo ay kooxaha argagaxisada isku dayeen inay weeraro soo qaadaana waa looga guuleystay. Dowladda waxaa ka go’an in la wado howlgalada iyo xasilinta dalka si kooxaha Al-Shabaab loo cirib tiro oo shacabka ay u helaan amni, kala danbeyn iyo nabad waarta.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey dib u habeynta garsoorka dalka ayaa yiri “Wasiirka Garsoorka & Dastuurka ayaa golaha wasiiradda 24kii July u sharaxay horumarka dib u habeynta garsoorka dalka, isla markaana u soo bandhigay magacaabista Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka. Golaha Wasiiradda ayaa si aqlabiyad ah isagu raacay inuu noqdo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Dahir oo aqoon durugsan u leh garsoorka iyo caddaaladda, iyadoo Xeer Illaaliyihii hore xilka laga qaaday. Tan ayaa ah horumar ballaaran oo dowladdu u qaaday dhanka dib u habeynta garsoorka dalka, iyadoo ay ka danbeysey ka dib markii baarlamaanku ansixiyey sharciga Golaha Adeega Garsoorka oo wasaaraddu ay ku howlan tahay dhameystirka dib u habeynta garsoorka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka maamulka Maaliyadda ayaa yiri “ 23kii July ayuu Wasiirka Maaliyadda Mudane Huseen Cabdi Xalane, ka warbixiyey horumarka laga sameeyey Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda Dalka oo uu sheegay in Hindise Sharciyeedyada Hanti Dhoorka iyo kan Qalabeynta ay golaha wasiiradu ansixiyeen oo loo gudibyey baarlamaanka. Xisaab xirka maaliyadda ayey si joogta u diyaariyaan Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda oo tuseysa sida cad-cad oo fur-furan ee maamul wanaaga ku jirto oo loo maamulo dhaqaalaha. Guddiga Maamulka Maaliyadda (FGC) ayaa kormeera dhaqangelinta Mashruuca Maamulka Dhaqaalaha (FGP). Mashruucan (FGP) ayaa lagu xoojinayaa maamulka maaliyadda iyo maamulka Bankiga Dhexe oo si madax bannaan tallooyin uga bixinaya arrimaha muhiimka ah ee maamulka maaliyadda. Mashruucan ayaa diiradda saaraya abuuridda maamul lagu kalsoonaan karo, Bangi Dhexe oo shaqeynaya, maamul hufan oo ku wajan canshuur uruinta iyo maamulka kharasheynta, iyo dhaqangelinta nidaam tartan ku dhisan ee dhanka qalabeynta iyo heshiisyada. Warbixintan waxaa laga heli karaa:http://www.mof.gov.so/publication-documents/.

“Guddiga Maamulka Dhaqaalaha ayaa si joogta ah ugu kulma Muqdisho si ay u qiimeeyaan nidaamka cusub iyo horumarka laga sameynayo, waxey tallooyin ka bixiyaan meelaha u baahan in la saxo. Guddigan ayaa ka kooban 5 xubnood iyo kormeere ka socda hay’adda Dhaqaalaha Adduunka (IMF). Xubnaha Guddigan ayaa kala ah Wasiirka Maaliyadda (Ahna Guddoomiyaha) Mudane Hussein Abdi Halane; Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Mudane Bashir Issa; La Taliyaha Madaxweynaha Mudane Awes Hagi Yusuf; Xubin ka socota Bankiga Adduunka, Nigel Roberts; xubin ka socoda Bankiga Dhaqaalaha Afrika Ellias Ngalande; iyo xubin kormeere guud ah oo ka socda IMF, Ake Lonnberg.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey xukunno dil ah oo lagu fuliyey argagaxiso ayaa yiri “24kii July 2014 waxaa dil toogasho lagu fuliyey 4 ka tirsan kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ka dib markii maxkamadda ay ku xukuntay dil toogasho ah. Sidoo kale 15kii July ayaa 2 ka mid ah argagaxisada iyagana lagu fuliyey dil toogasho ah. Dowladda ayaa siyaasadeedu tahay in si adag loola dagaalo kooxaha argagaxisada ah oo shacabka dhib fara badan ku haya. Go’aanada maxkamadda in la fuliyo waxey qeyb ka tahay soo celinta amniga iyo kala danbeynta. Waxaase nasiib darro ah oo aad looga xumaado in kooxaha argagaxisada ah ay caadeystaan inay carruur askareeyaan isla markaana ay 23kii July dil goob fagaaro ah ku toogteen degmada diinsoor isla markaana ay qoorta ka jareen gabar 13 jir ah. Tanoo na tuseysa sida arxan la’aanta ah oo ay shacabka u leynayaan. Gabadha 13 jir ah ayaa waxey sheegeen inay la shaqeyneysey dowladda, tanoo ku tuseysa in kooxaha argagaxisada aysan dan ka laheyn sharci iyo nidaam toona.”

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii ka hadlay dhammaadka Ramadan iyo Ciida oo uu yiri “Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan markale xasuusinayaa sida loogu baahan yahay inaan maalmahaa ciidda ee nagu soo food leh u wada taageerno dhammaan shacabka aan waxba heysan. Fadlan aan isu gargaarno oo aan carruurta Soomaaliyeed ka wada farxino maalmaha ciidda si ay si farxad leh ugu ciidaan. Bishii barakeysneyd ee Ramadan ayaan ku jirnaa maalmihii ugu danbeysey ee aan isu naxariisanno oo is cafino, bisha barakeysan darteedna aan ka wada shaqeyno midnimadeena iyo wadajirkeena, dalkana aan ku soo wada dabaalno nabad iyo barwaaqo.”

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta
Muqdisho, Soomaaliya