U bood dhigaalka

Wax Qabadkii Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Sheekh Yusuf Jimcaale

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale waxaa xilkan loo magacaabay October 2015-kii.

Muddadii uu xilka hayey dhanka nabad-galyada caasimadda su’aallo badan ayaa laga weydiin karaa, qaraxyo dhacay, dilal toos ah iyo amni darro guud oo ka jirtay magaalada Muqdisho.

Amniga marka laga soo tago, waxaa jirta dhinacyo kale uu Sheekh Yusuf  Jimcaale wax ka qabtay, waxaa ka mid ah jidadka uu dhisay iyo qaar kale ee uu dayac tiray.

Waddooyinka Uu Dhisay:

Dhismaha waddada Danwadaagta:

Wadadan oo dhirirkeedu ahaa 1.9 KM, waxaa ay ka bilaabataa Zoobe KM5 illaa Isgoyska Danwadaagta, waxaa ku baxday lacag dhan $906,000 oo ay bixiyeen guddi isku dhaf ahaa oo ka koobnaa maamulka gobolka Banaadir, Gaadiidleyda, Ardeyda iyo Dalladaha.

Waddada Sayidka:

Wadadan oo dhirirkeedu ahaa 1.3 KM, waa inta u dhaxeysa Taallada Sayidka illaa Isgoyska Howl-wadaag, waxaa ku baxday lacag dhan $450,000 oo laga qaaday maamulka gobolka Banaadir, ganacsatada, bulshada rayidka ah.

Waddada Wadnaha:

Waddadan oo dhirirkeedu ahaa 4 KM oo socota Tarabuunka illaa Sanca, waa midda ugu dheer waddooyinka la dhisay, waxaa ay isku martaa 7 degmo, waxaa markii dambe lagu daray 2 KM oo u dhaxeysa isgoyska Sanca illaa degmada Kaaraan, Lacagta ku baxday waa $4,700,000, waxaa laga qaaday gobolka iyo bulshada.

Waddada 26 June (Shaqaalaha):

Dhirirkeedu waa 1.3 KM, waxaa ay dhex martaa qeyb ka mid ah Hodan, waxay ka baxdaa guriga shaqaalaha ee degmada Hodon, waxayna gaartaa illaa Isgoyska KPP, waxaa ku baxday $768,000

Waddada Dr. Xuseen Kadare:

Waddada Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare waxaa horay loo dhihi jiray Bandar-Qaasim, waa 2.7 KM, waxaa inta u dhaxeysa Xarunta ciidanka waddooyinka illaa Kawaan Bari.

Via Moosko:

Waxaa la dhagax dhigay oo dhismo ku socotaa wadadan Via Moskow, dhirirkeedu waa 2.4 KM, waa inta u dhaxeysa Ceel Gaabta illaa xarunta Afisyooni ee degmada Waaberi, waxaa ku baxeysa $800,000, dhismaheeda waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka, sanduuqa Hal-dollar, canshuuraha iyo bulshada.

Dhismahada Waddada Waaberi:

Waa jid Cadde dhirirkiisu yahay 1.9 KM, inta u dhaxeysa waaxda Hanti-wadaag illaa 21 October, waxaa ku baxday $12,000.

Muddadii uu Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale ahaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho waxaa la dayac tiray waddooyin kale.

Jidka isku xira isgoyska Dabka iyo Bakaaraha:

  1. Wadada Alta Juba, isgoyska 4ta Jirdiinno illaa isgoyska Towfiiq.
  2. Wadad 15 May oo isku xirta jidka Maka Mukarama iyo Umadda.
  3. Wadada Taleex oo isku xirta Maka Mukara iyo Umadda
  4. Wadada Bandar Qaasim oo ka bilaabaneysa isgoyska Mirinaayo oo ku eg Isbitaal Keysaney una dhaxeysa Kaaraan iyo C/Casis.
  5. Wadada Via Uganda
  6. Wadada Janaraal Daa’uud-Daljirka Daahsoon illaa isgoyska Siinaay.
  7. Buundooyinka Via Labeeriya iyo Via Tanzaania.
  8. Waddooyinka kale sida Xaaji Gaabow, Jaziira iyo Kaxda, waxaa ku baxday $250,000

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho waxaa ay qabteen waxyaabo kale sida:

  • Dhismaha Suuqa Nabadda Kaaraan.
  • Xarun caruur lagu cayaarsiiyo oo la hirgeliyay degmada Wadajir
  • Maxkamadda degmada Xamar Weyne
  • Nadaafadda gobolka oo wax badan laga qabtay.
  • Waxaa kaloo uu gobolka Banaadir qabtay barnaamijyo ciyaaraha sida: cayaarihii kubadda cagta ee dowlad goboleedyada, horyaalka Muqdisho iyo koobka Janaraal Daa’uud.

Waxqabadkaas guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale waxaa ay xujo ku tahay guddoomiyaha cusub Taabit Cabdi kaas oo laga sugayo in uu wax badan ka qabto kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Banaadir.

Hadaba, waxaa sugeynaa maamulka cusub ee gobolka Banaadir iyo waxa uu ka qabto nabad-galyada iyo dhismaha gobolka Banaadir iyo caasimadda jamhuuriyadda federaalka ah.

Goobjoog News