U bood dhigaalka

Wax soo saarka  Shidaalka Ee Dalka Liibiya Oo Meel Sare Gaaray

Sheeko:Caalamka

 Hay’adda Shidaalka qaranka ee dalka Liibiya ayaa sheegtey  in wax soo saarka shidaalka ceyriinka ah ee dalkaasi uu gaaray 622,000 oo fuusto maalitiiba.

Heerkan waxaa loo arkaa mid aad uga  sareeyay marka loo fiiriyo bilihii ugu danbeeyay, waxaana arintan ay ka danbeysay kadib markii koox kamid ah kooxaha Liibiya ka dagaalama ay ogolaatay in dib loo howlgeliyo qaar kamid ah dhuumaha shidaalka ee dalkaasi oo xernaa sanado badan.

Kahor inta aan la furin dhuumaha shidaalka, wax soo saarka shidaalka dalkaasi waxa uu ahaa 600,000 oo fuusto maalintii.

Hay’adda Shidaalka qaranka dalka Liibiya waxa ay tilmaamtay in ay rajeynayso in ay kordhiso wax soo saarka shidaalka ceyriinka ah  ayna ku darto 175,000 fuusto.

Liibiya waxaa kamid tahay dalalka ka tirsan ururka OPEC wallow colaad xoogan ay dalkaasi la dageen.

Kahor burburka , Liibiya waxaa maalinta ay soo saari jirtay maalintiiba shidaal gaaraya 1.6 milyan oo fuusto, markas oo dowladu ay dhaqaalo badan ay ka helei jirtay.

Goobjoog News