U bood dhigaalka

Gadood ay Sameeyeen Ciidamo Ka Tirsan Ivory Coast oo Lasoo Afjaray

Sheeko:Dalka

Sarkaal sare oo maxali ah ayaa Sabtidii Shalay, 7, January, sheegay in wafti uu hoggaaminayo wasiirka difaaca Ivory Coast “Alain Richard Donowaha” ay heshiis la gaareen ciidamado gadood sameeyay muddo 2 maalmood ah walwal xoog leh ku abuuray bulshada.

Madaxa maamulka sare ee magaalada Bouake ninka la yiraahdo Yandi ayaa yiri “Waxaan gaarnay heshiis, heshiikani waxa uu soo afjarayaa gadoodka ciidanka”, gadoodkan ayaa saameyn ku yeeshay qaybo ka mid ah Ivory Coast oo ku yaalla Galbeedka Afrika.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waiirka Gaashaandhigga dalkaas uu sheegay in ciidamo gadoodsan oo doonaya mushaar kordhin iyo gunnooyin kale ay adeegsadeen hubkooda isla markaana ay qabsadeen magaalada Bouake oo ah magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaas.

Ila wareedyo laga helayo ciidanka gadoodka sameeyay ayaa sheegaya in ay heshiiska ogolaadeen isla markaana dib ugu laabanayaan xeryahoodii ay markii hore ka soo baxeen, ka dib markii ay xukuumaddu ogolaatay codsiyadooda mushaar koordhinta ah.

Saajin la yiraahdo Mamadou Kone oo ka agdhawaa wadahadallada ayaa yiri “Arrinka waa la soo afjaray..qaar ka tirsan ciidamada ayaa goobaha ay hadda ku sugan yihiin sii joogi doona si ay u ilaaliyaan ammaanka goobaha ganacsiga iyo Bankiyada, laakiin inta badan ciidanaka ayaa dib ugu laaban doona xeryahooda laga bilaabo Caawa(Xalay)”.

Goobjoog News