U bood dhigaalka

Waxbadan ka Ogow isbahaysiga Milatari ee Sucuudigu Hogaaminayo

Sheeko:Dalka

 

Xulafada”NATO Sunni”ee uu hogaaminayo Sucuudiga ee ladagaalanka Argagixisada, Maxaa Xiligan kusoo beegay?Argagixisada Isra’il Jadwalka ma ugu Jiraa?mise waa dagaal saf Ballaaran oo ku Waajahan Iran?dowladaha Carbeed ee ka maqan isbahaysiiga.

 Si lama filaan ah oo aan hor dhac lahayn , ayaa Amiir Maxamed Bin Salmaan dhaxal sugaha labaad iyo Wasiirka gaashaandhigga dalka Sucuudiga uu ku dhawaaqay Isbahaysi Islaami ah oo Ciidan kana kooban 35 wadan marka aan ku darno dowladda Uganda oo iyadu dhawaan si rasmi ah ugu biirtay, isahaysigan ayaa shaqadiisuna tahay la dagaalanka Argagixisada,isla markaana hogaanku noqonayo hal meel sandhiguna yahay magaalada Riyadh.

Dowladahan kuma jirto dowladda dadkeedu u badan yahay shiico,sida Ciraaq,Iran,Al jeria oo iyadu khibrad badan u leh la dagaalanka xag jirka, kadib markii ay dagaal 10 sano socday la gashay kooxo ay u aqoonsanayd argagixiso isla markaana ay ku wayday 200 kun oo muwaadin,waxaa kaloo ka maqan  Indonisia oo ah dowladda ugu weyn uguna dadka badan suniga caalamka.

Waqtigan Maxaa kusoo Beegay Isbaahaysiga?

– Isbahaysigan islaamiga ah ayaa kusoo beegmay xilli aad muhiim u ah markaan ka eegno dhowr waji oo aan kusoo koobi karno qodobbadan soo socda:

  1. Senator John McCain oo ah mas’uulka Guddiga Military ee Congress-ka Maraykanka dhowr iyo tobon maalmood ka hor sheegay iney lagam maarmaan tahay in la sameeyo 100 kun oo askari intooda badani dowladaha Suniga ah ka kooban si loola dagaalamo “Daacish”,iyadoo ay la jirto 10 kun oo Maraykan ah oo iyaguna dagaalka qeyb ka ah.
  2. Magaal dhawaan lagu daabacay “New York Times” oo uu qoray john Bolton kana mid ah dadka ugu firfircoon siyaasadda Maraykanka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dowlad Sinni ah goobaha ay hadda haystaan “Daacish” saldhig u yahay kana kooban Bariga Suuriya iyo Galbeedka Ciraaq oo barbar socota dowlad shiicaha ah oo konfurta ciraaq ka dhismaysa iyo dowlad Kurdish ah oo ka dhismaysa waqooyiga Ciraaq.
  3. Fashil ku Yimid isbahaysigii “Duufaanta”ee Sucuudigu hogaaminayay oo muddo 9 bilood ah ka adkaan la’ Xuutiyiinta Yemen,kuna adkaatay iney dib usoo celiyaan caasimadda Sanca, taa badalkeeda Xuutiyiintu waxay isku fidiyeen goobo Sucuudiga gudihiisa ah oo ay dhibaato ka geysteen sida Jezan , Najran,dhanka kale khasaare aadanaha oo ku kordhay dalalka isbahaysiga ka tirsan.
  4. Shirkii Mucaaradka Suuriya ee ka dhacay dhawaan dalka Sucuudiga laguna doortay gole sare oo Sucuudiga u mata heshiisyada lala galayo dowladda Suuriya,isla markaana lagu xulay 20 qof ee mucaaradka u matalaya wadahadal kasta,waxa uu shirkaasi la kulmay diidmo kala duwan waxaa laga mucaaraday gudaha Suuriya iyo Ruushka, goblka Kurdishka Suuriya iyo Ururo kale oo ka mid ah Mucaaradka Suuriya, garabka mucaaradka “Al-Nusra” oo aad u xoogan ayaa khiyaano ku sheegay cidkasta oo shirkaa ka qeyb gashay iyadoo aan laka reebin.
  5. Dowladda Urdun(Jordan) oo aad ugu dhaw inay ku dhawaaqdo kooxaha argagixisada iyadoo jirkii Vienna looga xil saaray inay magacaabaan kooxaha argagixisada ah oo la filayo in ay kamid noqoto garabka mucaaradka ah ee Al-Nusra” halkaas oo ay tallaabadii ugu horeysay ka bilaabi doonaan xulafada Suniga ah iyo Maraykanka ama Ruushka ha is fahmaan ama yaaney is fahmin .
  6. waxaa aad usoo kordhaya eedaymaha reer galbeedka eek u waajahan dalalka Sucuudiga iyo Qatar oo lagu eedaynayo inay quudiyaan argagixisada , garab iyo gaashaana ay u yihiin, kadib markii xanuunku uu taabtay reer galbaadka kadib qarxintii diyaaradda Ruushka eek u burburtay Saxraha Siinay,weeraradii Paris,dhacdooyinkii googoos ahaa ee ka dhacay London iyo Maraykanka ee lugta ku lahaa argagixisada, waxaanuu isbahaysigani imanayaa oo ugu weyn waa si eedaymahaa loo beeniyo meeshana looga saaro.

Isbahaysigan ayaa ah Khamaar kale oo khatartiisu ay xoog badan tahay, dagdag ku jiro, dagaal ka gudub mid kalena u gudub, xataa haddii dagaalka Yemen lagu guuleysto, dagaalka cusub waxaa muuqata in yahay mid saf ballaaran ah, waxaana dhici karta inuu dagaalku noqdo mid Iran ku waajahan iyadoo ay dhici karto inuu Maraykanku hoosta ka riixayo Isra’ilna ay Raalli ka tahay ama laga yaabo inay ka qeyb qaadato dagaalka Iran dhanka ka ah ee suurto gal ah .

-shirkii Jaraa’id ee lagaga dhawaaqayay isbahaysigan cusub ee Islaamiga ah waxaa ka qeyb galay oo kaliya Saxafiyiin Sucuudi ah oo kaliya waxaa la is waydiinayaa aaway 33 dowladood ee kale Saxaafadooda, Maxaa loo casuumi waayay ,mise waxaa laga gaashantay Su’aalo badan oo faah faahin u baahan jawaabna aan loo hayn.

Dowladaha Carbeed ee isbahaysiga ka maqan ;Ciraaq, Cumaan, Al-Jeria. Afhayeen u hadlay xukuumadda Ciraaq ayaa sheegay inay isbahaysiga kaga gaabsadeen, ogaansho la’aan ka haysata danaha dhabta ah ee laga leeyahay isbahaysigan iyadoo ay iska cadahay saameynta ay Iran ku leedahay go’aanada dowladda Ciraaq oo intooda badani shiica ah.

Cumman: waxaa loo eedaynayaa in dowladdu ay doonayso inay ilaaliso xiriirka isku dheeliga tiran ee ay la leedahay Sucuudiga iyo Iran, dowladda Cumaan ayaa sheegtay in dastuurka dalkeedu u oglaanayn Ciidan hubaysan oo dibadda ka dagaalama.

Camaan waxaa la mid ah Al-Jeria oo iyadana Dastuurka dalkeedu u saamaxayn inay ka qeyb noqdaan dagaal milatari oo dalka dibadiisa ah.

Durbaba waxaa soo baxay dhaliilo loosoo jeedinayo isbahaysiga oo la leeyahay waxaa ka dhex muuqda awoodo iska soo hor jeeda,sida Masar dhinac ah iyo Turkiga iyo Qatar oo dhinac kale ah, waxaa kaloo aan la ogeyn danaha qarsoon ee isbahaysiga iyo Talaabooyinkooda dhanka howl gallada, iyo Aqoonsiga argagixisada oo lagu kala duwan yahay.

Ugu dambeyn, halkee laga keenayaa lacagaha xooga badan ee lagu maal galinayo isbahaysiga,mise Dowladda Sucuudiga iyo dowladaha kale ee khaliijka ayaa dusha u Ridanaya? Xilli aan ognahay in barmiilkii Naftadu uu marayo $35 dollar,gaabka miisaaniyadaha Dowlahada khaliijkuna uu aad usii kor dhayo isla markaana la cunayo kaydadkii dowladaha ee dibadda u yaalay,Sucuudiga iyo Dowladaha kalena laga bilaabay cashuur aan horey Muwaadiniinta looga qaadi jiran sida canshuurda dadban oo la bilaabay in shacabka laga qaado.