U bood dhigaalka

Wasaaradaha Waxbarashada Ee Dowladda Federaalka Ah iyo Maamul Goboleedyada Oo Wada Shaqeyn Yeelan Doona

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu jiro heshiis iskaashi waxbarasho oo ay wada saxiixdeen wasaaradda waxbarashada iyo midowga Yurub, waxaana heshiiska taabogelin doona hey’adda  ADRA.

Xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada federaalka ah Axmed Xassen Yussuf ayaa sheegay in heshiiskaas ku tilmaamay mid qiimo badan isagoo intaa raaciyay in dowladda iyo maamul goboleedyada uu ka caawin doono dhanka waxbarashada.

Dhankiisa, Safrrika midowha Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in ururkaas uu ku dadaalayo sidii uu gacan uga siin lahaa Soomaalida arrimaha waxbarashaa ee caruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn.

Dowladda ayaa sidoo kale heshiis kale la gashay 3 wasaaradood oo maamul goboleedyada u qaabilsan arrimaha waxbarashada, sida maamul goboleedka Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

Goobjoog News