U bood dhigaalka

Waxbarasho Dugsiga Sare ee Dadka Aragga la’ oo Markii Ugu Horreysay Laga Hirgelinayo Somaliland

Sheeko:War

Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sanadkan qorshaynaysa in 18 arday oo kamid ah ardayda araga naafada ka ah loo helo waxbarashada dugsiga sare kadib markii dhawaan loogu deeqay qalabka loogu talo galay ardayda araga naafada ka ah dugsi sare in loo sameeyo suurtogelinaya.

Axmed Cali Abokor oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland oo wareysi la yeeshay mid ka mid ah warbaahinta gudaha magaalada Hargeysa ka shaqeysa ayaa sheegay in 54 oo ardayda aragga naafada ka ah ay qorsheynayaan sidii ay ugu heli lahaayeen waxbarasho, sanadkanna ay bilaabayaan dugsiga sare oo ay ku bilaabayaan 18 arday oo dhameysatay dugsiga sare.

“Muu jirin dugsi sare oo gaar ahaan ardayda indhaha naafada ka ah, liin ardayda kale sida dhagoolayaasha ardayda kale ee naafada kale ah dhammaantood illaa waxbarasho sare oo illaa jaamacadood way leeyihiin oo macallimiin gaar ah ayaa tababara, laakiin dadka aan indhoolayaasha u naqaanno waxay u baahan yihiin qalab gaar ah, wakhtiyadii hore qalabka ayaa inaga maqnaa, laakiin imika qalabkii ayay wasaaraddu heshay oo hay’adda CARE ay nagu caawisay, markaa qalabkaa marka aan helnay waxaan garannay in aan la sugin macallin aad dibadda ka helno ee inta macallin la helayo in wasaarad ahaan aan sii bilowno.”, ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Si kastaba, Waxaa warkani rajo fiican u yahay ardayda aragga la’ ee hamiga waxbarasho ku jiro ee ku dhaqan gudah Somaliland, xilli in badan oo ardaa ka mid ah oo ku dhaqan gayiga Soomaalida ay rajaadaa oo kale sugayaan.

Goobjoog News