U bood dhigaalka

Waxbarasho La’aan Ka Jirta Magaalada Marka Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gabi ahaanba ay xirmeen goobihii waxbarashada magaaladaasi kadib dagaallo soo noqnoqday oo magaaladaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha magaaladaasi Xasan Cumar Macallin oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in magaalada ay ku yaalleen 4 dugsi sare iyo dhowr jaamacado balse dhammaantood hadda yihiin kuwo xirmay.

Waxa uu tilmaamay in hadda aan la arkayn  meel ay ardayda wax ku bartaan, sababta ugu weynna ay tahay dagaallada soo noqnoqday ee magaaladaasi ka dhacay.

“Marka dagaallo ayaa ka dhacay, waxay taa sabab u noqotay in xarumihii waxbarashada xirmaan, waayo meel lagu dagaallamayo cid wax ku dhigan karta ma jirto, waalidkana carruutiisa meesha waa uu kala baqayaa” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Magaalada Marka maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray xiisad beeleed u dhaxeysa maleeshiyaad ku wada sugan halkaasi, waxaana sidoo kale jira dagaallo ka dhacay magaaladaasi.

Goobjoog News