U bood dhigaalka

Waxgarad Baaq u Direy Xildhibaannada Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan deegaannada Hirshabelle ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi iney soo doortaan madaxweyne isbedal keeni kara oo laga fiirsado cid walbo oo la dooranayo.

Nabadoon C/raxmaan Jimcaalle oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in Hirshabelle ay waxbadan ka baratay maamulkii hore, ayna muhiim tahay in shaqsi isbedal doon ah ay keenaan.

“Tiin haddii la jaray ma ahan in mar kale la abuuro, xildhibaannada waxaan ka rajeyneynaa iney talaalaan geed macaan, waxaana Allah ka baryeenaa inuu waafajiyo mid wanaagsan oo danta umadda ku jirto” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhanka kale Nabadoon Jimcaale ayaa soo dhoweeyay in madaxweynaha cusub ee loo dooran doono Hirshabelle laga soo xusho beesha uu kasoo jeeday madaxweynihii hore.

Todobaadkii tagey, xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle waxay xilka ka qaadeen madaxweynahoodii Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib markii ay ku eedeeyaan waxqabad la’aan.

Goobjoog News