U bood dhigaalka

Waxgarad Billaabay Xalinta Xiisad Ka Jirta Degmada Garbahaarey

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in waxgaradka ku dhaqan degmadaasi ay billaabeen xalinta xiisad ka taagan degmadaasi.

Xiisadaan ayaa billaabatay ka dib markii gudoomiyahii hore ee gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo sidoo kale ciidamo uu wato ay tageen degmadaasi.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay shalay isku dayeen in ay xiraan Kaliil, hase ahaatee shacabka oo buuq badan sameeyay ka dib ay dib uga laabteen.

Waxgaradka ayaa doonaya in ay isku keenaan Kaliil iyo sidoo kale gudoomiyaha cusub ee gobalka Gedo, si loo xalliyo wax walba oo meesha ka jira.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ku andacoonaya in weli uu yahay gudoomiyaha dhabta ah ee gobalkaasi, halka wareegto kasoo baxday Axmed Madoobe xilkaasi looga qaaday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News