U bood dhigaalka

Waxgarad Cabasho Ka Muujiyay Amaanka Magaalada Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxgarad kasoo jeeda gobalada Jubooyinka ayaa cabasho ka muujiyay amaanka guud ee magaalada Kismaayo, iyaga oo sheegay in xaaladda ay tahay mid aan la’isku haleyn karin.

Mid ka mid ah waxgaradkaan oo sheegay in uu dhalay wiil dhawaan Meydkiisa laga helay magaalada Kismaayo ayaa cadeeyay in ciidamada maamulka Jubba ay dhibaatooyin bareer ah magaaladaasi ka wadaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka ayeey sheegeen waxgaradkaan in aysan xilligaan waxba ka qaban karin xaaladda magaalada Kismaayo, islamarkaana shacabka qofkii la doono ayeey tilmaameen in la dilo.

Waxa ay waxgaradkaan ugu baaqeen beesha caalamka in ay deg deg kusoo fara geliyaan arimaha ay sheegeen in ay ka jirto magaalada Kismaayo, iyaga oo tilmaamay in shacabka caburin xoogan lagu hayo.

Dhanka kale eedeyntaan maamulka KMG ee Jubba loo jeediyay weli wax jawaab ah kama aanay bixin, hase ahaatee sidaan oo kale waxaa horay loo eedeeyay ciidamada maamulkaan oo la tilmaamay in dhibaatooyin ay ka geysteen magaalada Kismaayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Odayaashaan cabanaya.

Goobjoog News