U bood dhigaalka

Waxgarad Cambaareeyay Dadkii Lagu Diley Bariire

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay weerar shalay waabarigii lagu diley 10 qof oo shacab ah, kuwaasi oo beeraley ahaa kuna sugnaa duleedka deegaanka Bariire ee Sh/hoose.

Imaam C/laahi Khaliif oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in wax laga xumaado ay tahay in shacabkaan la laayo, wuxuuna sheegay in dowladda ka dalbanayaan baaritaan dhab ah.

Waxa uu tilmaamay iney tuhun qabaan, islamarkaana ay maleynayaan in shacabkaasi la farmuuqay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Arrintaasi ma ahan mid aan u dulqaadan  doonno, waxaan qabnaa tuhun ah in la farmuuqay shacabkaasi beeraleyda ah, aad ayaan uga xunnahay in dadkaasi la laayo, lama duugayo iyadoo arrintooda aanay meel korin” ayuu yiri Imaamka.

Dhanka kale, Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo isna la hadlay Goobjoog News, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shacabkaasi la diley, isaga oo sheegay in tani filan waa ay ku noqotay.

Waxa uu tilmaamay Nabadoonka in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabato arrintaan.

“Waa wax laga xumaado in carruur iyo maato kale la laayo iyaga oo beerahooda isaga jiro, ma ahan wax loo dulqaadan karo, dowladda waxaa laga doonayaa in arrintan ay jawaab degdeg ah ka keento” ayuu yiri Nabadoonka.

10 qof oo shacab ah, caruurna ay ku jiraan ayaa shalay waxaa duleedka deegaanka Bariire ee Shabellaha Hoose ku diley ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo la sheegay iney la socdeen kuwo ajaaniib ah.

Goobjoog News