U bood dhigaalka

Waxgarad Dhaliilay Galmudug Iyo Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah Waxgaradka magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa Galmudug ku eedeeyay inay ka gaabisay wax u qabashada degaannadaasi.

Nabadoonnada kala ah Cismaan Buraale Daahir iyo Jaamac Cabdinuur Warsame oo ku sugan magaalooyinkaas ayaa Goobjoog u sheegay in magaalooyinkani dayacan yihiin.

Waxay dhaliil u jeediyeen maamulka gobollada dhexe la baxay ee Ahlu sunna Waljamaaca oo ay sheegeen in si aan habooneyn uu degaanka ku maamulayo.

Waxgaradkani oo kamid ahaa odayaashii soo dhisay dowlad goboleedka Galmudug, ayaa Madaxweynaha maamulkaasi ugu baaqay inuu guto waajibaadkii ka saarnaa bulshada Dhuusamareeb iyo Guriceel ku nool.

“Kolley waa la dayacay Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana u jeednaa Galmudug meelaha ay ku egtahay, sidoo kale maamulkan la baxay gobollada dhexe iyana si aan loo baahneyn ayuu degmooyinkaasi u maamulay” Nabadoon Cismaan Buraale.

Ugu dambeyn waxgaradkan ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah iney garab istaagaan shacabka ku dhaqan Guriceel iyo Dhuusamareeb kuwaasi oo u baahan gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News