U bood dhigaalka

Waxgarad Eedeeyay Maamulka Jalalaqsi Iyo Guddoomiyaha Degmadaasi Oo Ka Jawaab Celiyey

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyey maamulka degmadaasi iney gacan bidixeeyeen gurmad raashiin ah oo dhowaan ka timid guddiga abaaraha Hirshabelle.

Nabadoon Ciise Cabdi oo kamid ah waxgaradkan oo lasoo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in maamulka Jalalaqsi ay kaararkii ay siiyeen dad aan ahayn dadkii loogu talogalay oo markii hore la diiwaangeliyey.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in raashiinka la geeyey meel aysan dadka gaari karin, intii tagtayna markii la sawiray kadib ay raashiinka boobeen ciidamo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Galbeedka degmada ayaa lala aaday raashiinkii gargaarka, waxaa la siiyey dad aan ahayn dadkii loogu talogalay, iyadoo saas ay tahay ayaa hadana dadkii yaraa markii wax la siiyey laga sii xoogey, waxaa loo maamulay si aan sax ahayn” ayuu yiri Nabadoon Ciise.

Dhanka kale Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow, maadaama waxgaradkani ay maamulkiisa eedeeyeen.

Waxa uu sheegay in ay bixiyeen lacag dhan 9 kun oo guddiga abaaraha usoo dhiibeen degmada Jalalaqsi, ayna ka faa’ideysteen lacagtaasi dad gaaraya 300 oo qoys.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ay ku iibiyeen raashin, islamarkaana ay siiyeen dadkii loogu talogalay, wuxuuna meesha ka saaray eedeynta ay ui jeediyeen waxgaradka.

“Guddiga abaaraha Hirshabelle ayaa ina soo gaarsiiyey lacag dhan 9 kun oo doolar, waxaan ku iibinnay raashiin, wax baahi dabooli karo ma ahayn, 300 qoys ayaan siinnay, qoyskii waxaan siinnay Kiish bur ah, kiish bariis ah iyo 20 Litir oo saliid ah, qoys walbo waxaan ku bixinnay 29 doolar” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto degmadaasi, dadkuna u baahan yahay gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News