U bood dhigaalka

Waxgarad Iyo Aqoonyahanno Ku Sugan Cadaado Oo Codkooda Ku Biiriyay Barnaamijka Gurmad Iyo Gargaar

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyahanada ku sugan degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa codkooda ku biiriyay Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ee Goobjoog News, kaasi oo lagu baraarujinayo shacabka Soomaaliyeed si ay ugu gurmadaan walaalahooda ku dhibban dalalka Yemen iyo Kenya.

Cabdullaahi Xirsi Diirshe oo ka mid ah aqoonyahanada ku sugan Cadaado ayaa sheegay in Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ee Goobjoog News uu yahay mid loo baahanaa maadaama hadda dad Soomaaliyeed ay dhiban yihiin.

Waxa uu ku taliyay aqoonyahankaan in la furo sanduuq qof walba oo Soomaaliyeedna uu ku rido lacag inta uu awoodo, taasina ay keenayso in laga maarmo kaalmada shisheeye, shacabkana loogu gurman karo.

Dhinaca kale Axmed Maxamed Faarax waxa uu isna ka mid yahay waxgaradka ku sugan degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, waxaana uu sheegay in aragti ahaan uu qabo in lasoo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban Yemen iyo Kenya.

Sidoo kale waxa uu Axmed soo jeediyay in dadkaan loo diyaariyo dhul ballaaran, kaasi oo la dejinayo dadka laga soo kaxeynayo dalka Yemen, maadaama dushooda lagu dul dagaallamayo.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa aad ugu dhiban dalka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan, waxaana sidoo kale jirta muwaadiniin kale oo iyaguna dhibaato ku haysa dalka Kenya, gaar ahaan xeryaha Dhadhaab.

Goobjoog News