U bood dhigaalka

Waxgarad Iyo Guddiga Dhisaya Wadada Isku Xirta Gaalkacyo Iyo Hobyo Oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Guddiga horumarinta GOB ee dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo Iyo Hobyo ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka gobalka Mudug.

Guddigani iyo odayaasha ayaa ka wada hadlay sidii bulshada ay kaalinteeda uga qaadan lahayd dhismaha wadadaasi gaar ahaan odayaasha dhaqanka.

Guddoomiyaha guddiga GOB C/qaadir Maxamed Shirwac oo hadlay ayaa sheegay in meel fiican uu marayo dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Waxa uu tilmaamay in Odayaadha dhaqanka ay kala hadlayeen sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha wadadani.

Shacabka Galmudug ayaa iska kaashanaya dhismaha wadadan oo ah mid muhiim u ah dekadda Hobyo.

Goobjoog News