U bood dhigaalka

Waxgarad Iyo Siyaasiyiin Kahor Yimid Wada Hadallo u Socda Khaatumo Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Waxgarad iyo siyaasiyiin ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa kasoo horjeestay wada hadal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga socda maamullada Khaatumo iyo Somaliland.

Xubnahan oo isugu yimid kulan ka dhacay Laascaanood ayaa sheegay in Madaxweyne Galeyr aanu iyagu matalin, islamarkaana ka shacab ahaan aysan aqbali doonin shirkaan socda.

Shirka ka socda Addis Ababa ayeey ku sheegeen mid lagu kala geynayo shacabka Soomaaliyeed, dalkana lagu kala qeybinayo, sidaasi darteedna aysan marnaba u hoggaansami doonin wax walbo oo la isku soo garto.

“Annaga Galeyr nama matalo, waa nin doonaya inuu ku biiro Somaliland, Soomaaliya waa mid, reer Khaatumana raali kama noqon doonaan in dalka la kala qeybiyo, sidaasi dareteed waxaan sheegeynaa in waxa ka socda Addis Ababa aanan innagu shaqo ku lahayn” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah waxgaradkii kulankaasi ka qeybgalay.

17-kii bishan waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya shir uga furmay maamullada Somaliland iyo Khaatumo, waxaana shirkaasi uu yahay mid Labada dhinac ay kaga hadli doonaan arrimo la xiriira aayaha gobollada Sool iyo Sanaag.

Goobjoog News