U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Dalbaday DFS Magdhow Iyo Sii Deynta Mukhtaar Roobow

Sheeko:Amniga

Odoyaasha dhaqanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dalbaday in lasii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo u xiran DFS sidoo kalena la bixiyo magdhowga dadkii ku dhintey qalalaasihii magaalada Baydhabo ka dhacay.

Waxa ay sheegeen iney aad uga xunyihiin weli inuu sii xiran yahay Mukhtaar Roobow, waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Roobow.

Guddoomiye Mursal oo la hadlay waxgaradkan wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre isla fahmeen in lasii daayo Mukhtaar Roobow.

Wuxuu tilmaamay in haddii isaga iyo madaxweyne Lafta-gareen inta yimaadaan Muqdisho misane lasii deyn waayo Roobow ay kuraasta ay ku fadhiyaan arrin kale tahay.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News