U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Hadlay Go’aankii Duqa Muqdisho Uu Ku Joojiyey Dhululka Muranka Ka Jiro

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan degmada Kaxda ee gobolkan Banaadir ayaa soo dhoweeyay go’aankii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cismaan Yariisow uu ku joojiyey dhismaha dhulalka muranka uu ka jiro.

Waxgaradka ayaa intaasi raaciyay in go’aankan uu wax badan ka tiri-doono degaanshiyaha Muqdisho, wax badanna ka qaban karo xaaladda ka jirta, maaddaama oo ay maalmahan danbe soo badanayeen dadka guryaha isku haysta.

Maxamed Muuse oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay iney boorinayaan go’aanka guddoomiyaha, sidoo  kalena ay la shaqeyn doonaan guddiga xaqiiq raadinta ah ee arrimaha dhulalka loo xilsaaray.

“Guddoomiyaha muddo yar isaga oo jooga ayuu wax badan qabtay, dhulal badan oo awood lagu haystay laguna dhisanayey ayuu joojiyey, waxaan aragno waan soo sheegeynaa, waana la shaqeneynaa guddiga” ayuu yiri Maxamed Muuse.

Maalmahan dambe, waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayey dadka isku haysta dhulal ku yaalla magaalada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada