U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Horyimid Qorshe Lagu Kordhinayo Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Dalka

Golaha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa ka horyimid qorshe Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ku doonayo in xubno cusub lagu kordhiyo baarlamaanka maamulkaasi.

Nabadoon Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo kamid ah golahan ayaa u sheegay Goobjoog News, in dastuuriyan Puntland ay qalad ku tahay in la kordhiyo ama wax laga dhimo tirada baarlamaanka ee hadda jira.

Nabadoon Jaabiri Samatar ayaa Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay ku takrifal awoodeed iyo mid dastuurka maamulkaasi ah islamarkaana arrimahaasi aynaan ahayn wax loo dulqaadan karo.

“Madaxweyne Gaas waxna kuma dari karo kamana dhimi karo xildhibaannada baarlamaanka Puntland, Dastuurkana ma qabo arrintaasi, waxa uu wadana kolley waa ku takri fal awoodeed, balse annaga oo waxgaradkii ah taasi ma aqbalayno” ayuu yiri Nabadoonka.

Baarlamaanka Puntland oo gaaraya 66 mudane ,waxaa madaxweyne Cabdiweli Gaas uu saxiixay in la gaarsiiyo 78-mudane, iyadoo lagu darayo 13 xildhibaan oo ka imaanaysa qaar kamid ah beelaha.

Goobjoog News