U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Qeybgalaya Shirka Ahlu-sunna Qabanayso Oo Gaaray Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud waxaa maanta gaaray Odayaal dhaqameed qeyb ka noqonaya ergada ka qeybgali doonta shirka maamul u sameynta gobalada dhexe ee dhawaan ay ku dhawaaqeen Ahlu-sunna Waljameeca.

Ergada maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb waxaa horkacayay Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor, iyadoo mas’uuliyiinta Ahlu-sunna ee Dhuusamareeb ay ergadaan uga hortageen duleedka magaaladaasi.

Saadaq Sheekh Yuusuf iyo Axmed Walad Cabdalla oo kala ah gudoomiyaha Dhuusamareeb iyo madaxa gaashaandhiga Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ergadaan soo dhaweysay, iyaga oo ugu mahadceliyay sida ay u aqbaleen casumaadii loo fidiyay.

Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa sheegay in sidaan oo kale ay u filayaan in halkaasi ay tagaan waxgarad kale oo ka qeybgali doona shirka Ahlu-sunna ku qabanayso Dhuusamareeb, kaasi oo maamul loogu sameynayo gobalada dhexe.

Nabadoon Cabdillaahi Geedi Shadoor oo horkacayay waxgaradka maanta tagay Dhuusamareeb ayaa isna dhankiisa sheegay in ay soo aqbaleen casumaadii loo fidiyay, isaga oo sheegay in shirkii Cadaado qalooc galay, islamarkaana ay ku haminayaan in maamul hagaagsan ay halkaasi ka dhisi doonaan.

Tan iyo markii ay ku dhawaaqeen maamulka Ahlu-sunna Waljameeca in Dhuusamareeb ay ka furan tahay shirka maamulka loogu sameynayo gobalada dhexe, waxaa degmadaasi gaarayay waxgarad deegaano kala duwan ka imaanayay.

Goobjoog News