U bood dhigaalka

Waxgarad Kasoo Horjeestay In Maamullo Cusub Loo Sameeyo Degmooyinka Gedo

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan gobolka Gedo oo shir ku yeeshay degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa kasoo horjeestay qorshe maamullo loogu sameynayo degmooyinka gobolkaasi.

Waxay waxgaradkan sheegeen in hadda aysan macquul ahayn in la sameeyo maamullo cusub, balse loo baahan yahay in laga shaqeeyo amniga iyo sidoo kale kala dambeynta.

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in Jubbaland looga baahan yahay iney ka shaqeyso waxyaabaha ay dadka u baahan yihiin.

“Hadda ma arko iney jirto baahi loo qabo maamullo kale oo la sameeyo, degmooyinka waa ay kala xiran yihiin, meel Luuq 2-km u jirta Nabadoon ayaa lagu gowracay, qof banaanka aadi karto malahan, marka waxaa la doonayaa oo kaliya in laga shaqeeyo sidii nabad loo dhalin lahaa” ayuu yiri Ugaaska.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo ku sugan Gedo ayaa wada dedaal badan oo ku aadan sidii isbedallo loogu sameyn lahaa maamullada ka jira degmooyinka gobolkaasi.

Goobjoog News