U bood dhigaalka

Waxgarad Kasoo Jeeda Gobalada Sool Iyo Sanaag Oo Qorsheynaya Maamul Loo Dhiso Gobaladaasi

Sheeko:Dalka

Waxgarad kasoo jeeda gobalada Sool iyo Sanaag ayaa billaabay kulamo ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo aayaha gobaladaasi.

Qaar ka mid ah waxgaradkaan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, iyaga oo uljeedka kulankooda ku sheegay sidii isbedal loogu sameyn lahaa gobaladaasi, sida maamul loogu dhisi lahaa iyo arrimo kale.

Kulanka ayaa laga soo saaray in dadka deggan gobalada Sool iyo Sanaag ay ku weyn tahay Soomaalinimada sidoo kalena ay doonayaa inay wax la qeybsadaan dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Waxay sheegeen in ay doonayaan inay helaan saami walba oo dowladda Federaalka ku leeyihiin maamul gobaleedyada, islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa dowlad gobaleed loo mideysan yahay.

Gobalda Sool iyo Sanaad waxaa degmooyin ka mid ah gala maamula maamulada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo State, inkastoo hadda waxgarad iyo siyaasiyiin ku shiraya Muqdisho ay sheegayaan in maamul mid ah ay sameysan doonaan.

Goobjoog News