U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Baaq Daminta Colaad Kasoo Cusboonaatay Deegaanka Saaxo Ee Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay kasoo cusboonaatay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa beello wada deggan deegaankaasi.

Waxgaradka ku dhaqan gobalka Mudug ayaa billaabay in warbaahinta ay dadkaasi u mariyaan baaq ah in nabadda ay ka taliyaan islamarkaana ay joojiyaan wax walbo oo calaadda hurin kara.

Suldaan Cabdicasiis Beyle oo ka mid ah waxgaradkan ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in dadka deggan Saaxo aanay weli nabadda qaadan oo haddane ay isku hub uruursanayaan.

“Waa nasiib darro kasoo cusboonaatay deegaanka Saaxo in weli dadkii walaalaha ahaa ee deganaa deegaanka Saaxo aanay weli xal rasmi ah ka gaarin wixii dhexmaray, waxaan hadda la soconnaa in weli xiisad ay ka jirto deegaankaasi, waxaan leeyahay marka dadka walaalaha ah joojiya wax walbo oo dhibaato keeni kara, ogaada 25 sano oo dalka dowlad ka jirin baad wada joogteen, nabaddiina idinka ayaa leh ee joojiya xiisadda” ayuu yiri suldaan Beyle.

Dhinaca kale Suldaan Beyle ayaa ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug State inay kaalin ka qaataan heshiis waara oo la kala dhex dhigo beelahan isku haya deegaanka Saaxo.

Dagaallo horay uga dhacay deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo shacab ah, waxaana horay dagaalkoodan uu uga billowday isku qabsashada dhul daaqsin iyo Barkado biyaha laga cabo.
Goobjoog News