U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Baaqay In La Dhaqangeliyo Heshiikii Gaalkacyo Ku Gaareen Galmudug Iyo Puntland

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ku baaqay in la hirgaliyo qodobo dhowaan ay Gaalkacyo ku kala saxiixdeen Galmudug iyo Puntland.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Galmudug Nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog ku sheegay in weli aynaan si fiican loo howlgalin ciidankii isku dhafka ahaa ee labada maamul.

Waxaa uu ku baaqay in dhammaan dadka Mudug deggan ay nabadda ka shaqeeyaan oo Puntland ay fasaxdo dadka xoolo dhaqatada ah si dadku ay u wadaagaan degaannada biyaha iyo daaqa helay.

Nabadoonka ayaa sheegay in ay rajo fiican ka qabaan dhaqan galka heshiiskaasi islamarkaana carrabka wuxuu ku adkeeyay in qof walba uu ka shaqeeyo nabadgalyada gobolka Mudug.

“Waxa ugu muhiimsan waa in la dhaqangeliyo heshiiskii lagu kala saxiixday magaalada Gaalkacyo, ay si buuxdo u shaqo bilaabaan ciidanka isku dhafka ah sidoo kalena ay nabadda ka wada shaqeeyaan Puntland iyo Galmudug, dhanka kale dadka la isku fasaxo si ay deegaanka u wadaagaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhowaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa heshiis ka kooban dhowr qodob ku kala saxiixday maamullada Puntland iyo Galmudug.

Goobjoog News