U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Xeraale

Sheeko:Dalka

Waxgarad kasoo jeeda deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Qaar kamid ah waxgaradkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markii hore ay wadeen dedaal badan oo ay ku doonayeen in lagu damiyo xiisad jirtay kahor dagaalka, balse la siyaasadeeyay waxa socday.

Nabadoon Axmed oo kamid ah waxgaradkan ayaa sheegay in ciidamo ka socda maamulka Ahlu-sunna la dul keenay Xeraale kuwaasi oo ku biiray ciidankii kale ee halkaasi joogay, sidaasina dagaalka uu ku bilowday.

“Annaga meel wanaagsan ayeey inoo mareysay dhex dhexaadin aan wadnay, hase ahaatee maamulkii gobollada dhexe ayaa siyaasadeeyay, ciidan ina dul keenay, dagaalkana sidaas ayuu ku bilowday, dhibaato badan ayaa dadkii haysata, haweenkii meel cidlo ah ayeey ku umulayaan, shacab badanna waa ay ku dhinteen dagaalladaasi” ayuu yiri Nabadoonka.

Ugu dameyn nabadoon Axmed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka iney farogeliyaan dagaallada ka socda deegaanka Xeraale ee Galgaduud.

Goobjoog News