U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaallada Ka Socda Deegaanka Hosingow Ee Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Gobolada Jubooyinka ayaa ku baaqay in si Shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ay dadku ku dhinteen ee ka socda deegaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubada hoose.

Nabadoon Xasan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah  Waxgaradkaan ayaa sheegay in Colaadaasi ay saameyn ku yeelatay Noloshii dadka kadib markii ay xirmeen wadooyinka soo gala deegaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubada hoose.

Nabadoonkaan ayaa tilmaamay in weerka ay halkaasi ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, isaga oo ku baaqay in la joojiyo Dagaallada oo aan la barakicin Bulshada ku nool deegaankaasi.

Sidoo kale Nabadoon Xasan Maxamed ayaa ku baaqay in nabadda la qaato, lana qaado jid gooyo uu sheegay in ay taallo halka lagu dagaallamo iyo meelo aan degmada ka fogeen.

Dhawaan ayaa dagaal qaab beel u abaabulan waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Hosingow ee gobalka Jubada Hoose, ka dib markii la’isku qabsaday lahaanshiyaha dhul beereed halkaasi ku yaalla.

Goobjoog News