U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Baaqay In La Meelmariyo Xukuumada Kheyre

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay xildhibaannada golaha shacabka iney meelmariyaan xukuumadda uu 21-kii bishan soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ugaas Salaad Ugaas Maxamed Rooble oo kamid ah waxgaradkan ayaa sheegay in dalka muddo badan dhibaato ay ka jirtay, shacabkuna ay u baahan yihiin isbedal dhab ah.

Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay kasoo daaleen baarlamaan xukuumad celiya, mooshin ka keena ama wax lamid ah, sidaasi darteed ayuu sheegay in ka waxgarad ahaan ay walwal ka qabaan hadalka kasoo yeeray xildhibaanno kamid ah golaha shacabka oo sheegay ineysan codka siineyn golaha wasiirada cusub.

Waxa uu ugu baaqay Ugaas Salaad in codka kalsoonida ah la siiyo xukuumadda Kheyre, isaga oo sheegay in hadda Soomaaliy.

“Walwal ayaan ka qabnaa hadallada aan ka maqleyno xildhibaannada qaar, dalkaan dhibaato muddo ayuu ku jiray, shacabka dowladdaan aad bay ugu heelaneyd, waxaan u baahannahay oo aan ka codsaneynaa golaha shacabka iney meelmariyaan xukuumadda cusub, waan idiin duceyneynaa xildhibaanna, waxaan idinka rajeyneynaa in xukuumaddan aad codka siisaan” ayuu yiri Ugaas Salaad.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta golahiisa wasiirada waxa uu horgeyn doonaa xildhibaannada golaha shacabka.

Goobjoog News