U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Howlan Xalinta Xiisad Ka Taagan Degmada Ceelwaaq Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Odoyaasha iyo waxgaradka degmada Ceelwaaq ayaa dadaal ugu jira sidii loo demin lahaa xiisad ka taagan degmadaasi oo u dhaxeysa ciidaaamo ka wada tirsan DF oo labo maalin kahor ku dagaallamay degmadaasi ,iyadoo dagaalkaasina uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ka dhacay Ceelwaaq iyo xiisadda hada ka taagan degmada ayaa waxay salka ku haysaa dilkii degmada Ceelwaaq 6 bil kahor loogu geystey Taliyahii Amniga Ceelwaaq, Fanax Cabdi kheyr iyadoo dilkaasina Ehelada taliyahii horena ay ku eedeyeen Gudoomiye ku xigeenkii degmada Sahal Macallin Adan iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa.

Xuseen Cabdile Magan oo ka mid ah Gudiga dhex dhexaadinta labada dhinac ee ku sugan Ceelwaaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa rajo wanaagsaan ka muujiyay kulamo saacadahii ugu dambeeyey ka dhacay Ceelwaaq, waxaana uu tilmaamay in ay ku guuleysteen labada dhinac in ay dhex dhigaan heshiis xabad joojin ah iyo in la kala qaado labada Ciidan.

Labo Maalin kahor ayey ahayd markii iska horimaad ka dhacay gudaha magaalada Ceelwaaq ay ku dhinteen ilaa 2 ruux,,halka ilaa 5 ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog News