U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Kulmay Gobolka Sanaag Oo u Digay Somaliland

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan gobolka Sanaag ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay kaga hadleen xiisadaha ka jira deegaanno ka mid ah gobolkaasi, iyaga oo digniin u diray maamulka Somaliland.

Waxay sheegeen in Somaliland ay kusoo duushay gobolkaasi, islamarkaana wax walbo oo dhaca ay mas’uuliyaddiisa qaadi doonto cid walbo ka tirsan Somaliland.

Nabadoon Cabdi Maxamed oo ka mid ah waxgaradka kulmay ayaa sheegay in markaan wixii ka dambeeya aanay gacmaha laaban doonin oo ay iska difaaci doonaan ciidanka Somaliland.

“Waxaan leenahay Somaliland nagala baxa ciidankiina waliba si nabad ah u baxa, haddii aad bixi weysaan wixii dhaca idinka ayaa mas’uul ka ah” ayuu yiri Nabadoonka.

Ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ayaa dhawaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag, welina waxa ay ciidankaan kala wadaan dhaq dhaqaaqyo.

Goobjoog News