U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Shiray B/weyne Oo Kahor Yimid Shirka Ka Furmi Doona Jowhar

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ugaasyada gobalka Hiiraan oo maanta shir ku yeeshay magaalada Baladweyne ayaa ka hadlay hadal shalay uu shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya iyo wakiilka IGAD ee Soomaaaliya kaasi oo ku aadan dib u billaabashada shirka Jowhar.

Ugaasyada Baladweyne ka hadlay ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Wasiir Cabdiraxmaan Odawaa uu sheegay in dib loo furayo.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaas Cali Ugaas Xasan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec oo kamid ah ugaasyadii maanta ka hadlay shirka Baladweyne ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay furitaanka shirka maamul u sameynta ee Jowhar.

“Annaga muddo siddeed bil ah ayaan tabanaynay oo dowladda ka dalbanay dib u heshiisiin in na loo qabto hase ahaatee waa la diiday, marka caqabaddii ka dhalataa haddii shirkaas la furo dowladda ayaa qaadanaysa oo masuul ka ah” ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaasyada ayaa sidoo kale ku baaqay in la tixgeliyo rabitaanka reer Hiiraan oo ay sheegeen in ay tahay waddo lagu heli karo maamul loo dhan yahay.

Shirka maamul u sameynta labadaan gobal ayaa waqtiyo badan dib u dhac uu ku yimid taasoo keentay cabashada odayaasha iyo qaarkood oo aan madasha shirka joogin.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ayaa sheegay in bishaan September la qaban doono shirka maamul u sameynta ee labada gobal ee kala ah Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News