U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Sugan Gaalkacyo Oo Cabasho Ka Ah Maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa fariin cabasho ah u diray madaxda sare ee maamulkaasi, taasi oo ku aadan dad dhawaan lagu dilay Waqooyiga magaaladaasi.

Waxay sheegeen in ay u tageen mas’uuliyiintii Puntland ee ku sugan Gaalkacyo iyo qaar ka mid ah wasiirada maamulkaasi, kana dalbadeen diyada (Magdhaw) rag dhawaan ciidamada Puntland ku dileen Gaalkacyo, hase ahaatee  loo sheegay Odayaasha waxa aysan kusoo qancin, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxay sheegeen dadkii dhintay oo garayay Shan in loo sheegay in lasiin doono duugtooda lacag dhan 10 malyan oo Shilin Soomaali ah, iyo sidoo kale mag dhaw loo siin doono min 10 kun oo doolar ah.

Taasi ayuu ku sheegeen inay tahay wax ay la yaabeen, islamarkaana lacagta loo balan qaaday xitaa la sheegay in lasiin doono muddo Lix bil ah ka dib.

Waxay ku baaqeen in maamulka Puntland Laba arrin mid sameeyo kuwaasi oo kala ah, in diyada ay u bixiyaan qaabka shareecada Islaamku ay qabto ama loo qisaaso ciidankii dadkaasi laayay.

Sidoo kale waxgaradkani ayaa si gaar ah ula hadlay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyaga oo ugu baaqay in arrintaan ay degdeg kusoo farageliyaan.

Askar ka tirsan Puntland ayaa Todobaadkii tagay waxay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, islamarkaana isbitaalka Gaalkacyo u waday qof dhaawac ah, waxaana halkaasi ku dhintay 5 qof.

Goobjoog News