U bood dhigaalka

Waxgarad Muddo Ku Xirnaa Jowhar Oo Lasii Daayay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in lasoo daayay waxgarad ku dhow 10, kuwaasi oo u xirnaa maamulka gobolkaasi.

Waxgaradkan ayaa la sheegay in xalay ay dib u heleen xorriyadooda, kadib is faham dhexmaray iyaga iyo sidoo kale maamulka gobolka Shabellaha Dhexe.

Xubnahan waxay mudo ku dhow Bilk u xirnaayeen saldhigga Booliiska ee magaalada Jowhar, waxaana dib loogu celiyey xarun shir dib u heshiisiineyd uga socday odoyaashan.

Ulajeedka loo xirey markii hore waxgaradkan waxaa lagu sheegay iney ka cago jiideen dhammeynta dagaallo culus oo ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Maamulka Shabellaha Dhexe weli kama aanu hadal xarigga waxgaradkan iyo sidoo  kale sii deysmadooda.

Jowhar waxaa taalla gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo beellihii ku dagaallamay degmada Cadalle, waxaana gogoshan fidiyey maamulka Sh/dhexe oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News