U bood dhigaalka

Waxgarad rajo ka muujiyay in dhawaan lagu guuleysto dhismaha maamulka Koonfur Galbeed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhowaan lagu guuleysto hirgalinta maamulka seddexda gobal oo hadda shir maamulkaasi lagu dhisaayo uu ka soconayo magaalada Baydhaba.

Iyadoo ay jiraan Dhinacyo ku sugan magaalada Baydhabo oo diidan shirka maamul u sameynta seddexda gobal ayaa waxaa hadalkan shaaciyay Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradka dhismaha maamulkaan ku howlan.

Malaaqa ayaa sheegay in heer wanaagsan uu marayo shirka, oo ay ka qeyb galayaan dhammaan ergada waxaana goobjoog ah xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Magaalada Baydhaba waxaa ka socda shir maamul loogu sameynayo gobalada kala ah, Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, laakiinse siyaasiin uu ka mid yahay Madoobe Nuunoow ayaa diidan maamulkaan la dhisayo.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixin warkaan ku saabsan.

Goobjoog News