U bood dhigaalka

Waxgarad Sheegay In La Xalliyey Caqabado Hortaagnaa Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe weli ka soconaya dedaallada lagu doonayo in dib loogu furo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hoggaanka duubabka dhaqanka ee Labada gobol gaar ahaan kuwooda ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in la xaliyay caqabado hortaagnaa qabsoomidda shirka maamul u sameynta.

Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ka mid ah duqeyda ku sugan Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog News in ka waxgarad ahaan ay isku tanaasuleen taasoo ah baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu gaaray magaalada Jowhar.

“Imaamyada Jowhar jooga anigoo afkooda ku hadlaya, waxaan caddeynayaa in Odayaasha dhaqanka ay isku afgarteen in la xaliyo wixii caqado ah oo shirka hortaagnaa islamarkaana la xarreeyo ergada oo Nabadoon kasta oo dadkiisa soo xarreeyo” ayuu yiri nabadoonkaasi.

Odayaasha dhaqanka beelaha ee labada gobol ee deriska ah ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ku kala fikir duwan qaabka loo marayo maamul u sameynta labada gobol waxaana weli jira odayaal ka soo horjeeda arrintaas oo ku sugan magaalada Baladweyne.

Ugaasyada ka soo horjeeda geeddi socodka shirka maamul u sameynta waxaa kamid ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo isagu ku baaqay in dowladda cusub ee dhalan doonta loo daayo dhismaha maamulka labada gobol.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu baaqay inay isu tanaasulaan si loo helo maamul ay dadka oo dhami u dhan yihiin.

Goobjoog News