U bood dhigaalka

Waxgarad Sheegay In Wadahadal Loo Furayo Dhinacyadii Ku Dagaallamay Xeraale

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ka bilowdaan kulamo lagu xalinayo dagaalladii ka dhacay deegaankaasi.

Waxgarad ka kala tagay deegaanno badan oo kamid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku sugan Xeraale, waxaana ay doonayaan in xal rasmi ah laga gaaro dagaalladii dhacay.

Qaar kamid ah waxgaradkan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maanta la isku keenayo dhinacyadii dagaallamay, lana soo afjarayo colaadda.

Waxay waxagaradkan tilmaameen  in Xeraale ay joogi doonaan illaa nabadda la qaato, dibna loo soo celiyo dadkii ka barakacay magaaladaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dib u dhacayay in la is horfariisiiyo dhinayacdii ku dagaallamay Xeraale, balse waxgaradka waxay hadda muujinayaan rajo ah in maanta si toos ah wadahadalka u bilowdo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News