U bood dhigaalka

Waxgarad Sheegay Iney Waan Waan Ka Dhex Billaabeen Puntland Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Sool ayaa sheegay iney wadaan dedaal badan oo lagu xallinayo dagaalladii deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Nabadoon C/raxmaan Samatar oo kamid ah waxgaradkan ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ee waxgaradkan ay tahay in la helo nabad iyo in aanu dagaal dambe ka dhicin Tukaraq.

Sidoo kale, Nabadoonka ayaa sheegay in dedaalka ugu weyn ee la bixinayo tahay sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada is hor fadhiya, shacabkana laga daayo dagaalka.

“Dhibka wuxuu yahay in qolo walbo sheeganayaan iney xuduud ama deegaan difaacanayaan, marka meeshu waxay ahayd Kastamkii Puntland, annaga dedaal waan wadnaa, sidoo kalena beesha caalamka kaalin ayeey ka qaadanayaan” ayuu yiri nabadoonka.

Weli ma jirto wax xal ah oo laga gaaray dagaalladii ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goobjoog News