U bood dhigaalka

Waxgarad Shirar Gaar Gaar Ah Ku Leh Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka soconayaan kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan qaar ka mid ah waxgaradka gobolkaasi.

Kulan qaatay Shan saacadoood una dhaxeeyay waxgarad iyo xubno ka socda IGAD ayaa shalay ka dhacay magaalada Baladweyne, waxaana kulankaasi kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa qeyb ka ah kulamadan, kuwaasi oo iyaguna maalintii shalay ahayd tagay Baladweyne.

Waxgaradka waxay qabsadeen Muddo Shan maalin ah si ay go’aan kama dambeys ah u qaataan.

Waxay shalay ka codsadeen IGAD arrimo ay ka mid tahay kala qeybinta gobolka Hiiraan, taasi oo xubnaha IGAD ku sheegeen in ay tahay howla hadda aan sahlaneen culeyskeedana leh.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News