U bood dhigaalka

Waxgarad Taageeray Go’aankii Lagu Kala Diray Wasiirada Puntland

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobolka Nugaal ayaa tallaabo wax ku ool ah ku tilmaamay in markii ugu horreysay ay wasiirrada Puntland kalsoonida ka waayaan baarlamaanka maamulkaasi.

Nabadoon Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog in talada shacabka lagu riday xukuumadda Cabdiweli Gaas islamarkaana meel walbo oo Puntland ah arrintan lagu soo dhaweeyay.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay la timid waxqabad la’aan sidaa darteedna ay baarlamaanka ku kala direen.

“Go’aanka uu baarlamaanka qaatay waa mid laga soo dhoweeyay dhammaan Puntland, habacsanaan weyn baa ka muuqatay xukuumaddii la kala direy, waxaa loo arkayey in aysan waxbo qaban kareyn, sidaasi darteedna baarlamaanka muddo ayuu u fikirayey sidii lagu kala diri lahaa xukuumadda” ayuu yiri nabadoonka.

Dhanka kale, Nabadoon C/raxmaan Jaabir ayaa ugu baaqay madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas inuu soo magacaabo wasiiro tayo leh, islamarkaana wax ka qabta xaaladda deegaannada Puntland.

Goobjoog News