U bood dhigaalka

Waxgarad Wada Dadaal Lagu Qaboojinayo Xiisad Ka Jirta Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa bilaabay dadaal xooggan oo ay ku doonayaa iney ku xaliyaan dagaal beeleed 4-tii bishan ka dhacay Tuulada Jameeca Misre ee ku dhow degmada Balcad.

Odoyaal ku kulmay degmada Balcad ayaa doonaya iney ku baxaan dhinacyadii ku dagaallamay Tuuladaasi, iyaga oo kaashanaya maamulka degmadaasi.

Sidoo kale waxaa socda dedaal uu maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ku doonayo inuu ku kala dhexgalo beelihii ku dagaallamay Duleedka degmada Balcad.

Ugu yaraan Shan ruux ayaa ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay Tuulada Jameeca Misre, waxaana jirin weli xal rasmi ah iyo kala dhexgal muuqda oo lagu sameeyay beelahan.

Beelahan ayaan ku dagaallamay dhul daaqsin ah oo la sheegay inuu ku yaallo deegaankaasi, welina waxaa jirta xiisad Labadaasi beel u dhaxeysa.

Goobjoog News