U bood dhigaalka

Waxgarad Walaac Ka Muujiyay Xaaladda Ammaanka Ee Degmada Baardheere

Sheeko:Amniga

Nabadoonnada magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa walaac ka muujinaya xaaladda ammni ee magaaladaas, kadib dood ka dhalatay maamulka degmadaasi

Nabadoon Cabdi Maxamed Nuur Kuusoow oo ka mid ah wax garadka dagmada baardheere oo  la hadlay Goobjoog News  ayaa sheegay in xaalad adag dhanka amniga ay ka jirto deegaanka ayna isku hub uruursanayaan Labo shaqsi oo isku haysta xilka guddoomiyaha magaalada.

Nabadoon Kuusow ayaa soo jeediyey in laga shaqeeyo nabadda islamarkaana xaaladda la qaboojiyo.

”Maagaalada xaaladdeeda waa ay foolxun tahay waxa ayna u dhowdahay in Labo jufo oo wada dhashay ay isku dilaan, waxa ayna ka dhalatay booqashadii Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu ku yimid magaalada, markii muddo dhowr iyo Toban maalin uu joogay ayuu ku dhawaaqay waxaan la fileen”

Nabadoonka oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in xaaladda kacsanaanta magaaladaasi uu mas’uul ka yahay madaxweyne ku xigeenka jubbaland, wax walbana isaga wax laga weydiin doono.

”Magaalada ayuu joogay 17 maalin isagoo cidna la tashan waxa uu magacaabay guddoomiye cusub, reerkii awal maamulka haayay ayaa ka  kacdoomay, mudaharaadyo ayaa ka dhacay wayna diideen iney aqbalaan guddoomiyaha cusub xilkana ay wareejiyaan”

Dadka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa ka baqanaya in dagaal uu ka dhaco degmadaasi, welina xal rasmi ah ma muuqdo.

Goobjoog News