U bood dhigaalka

Waxgaradk Kasoo Jeeda Gobolka Hiiraan Oo Taageeray Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa soo dhaweeyay shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe kana socdo magaaladaasi.

Waxay waxgaradkani sheegeen in ay aad u taageersan yihiin Shirkaan islamarkaana inta badan beelaha deggan gobolka Hiiraan ay ku dhanyihiin madasha lagu shirayo.

Nabadoon Axmed oo ka mid ah waxgaradkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in cid walbo oo shirkaan dhaliilsan ay kasoo horjeedaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan u sheegaynaa dowladda Federaalka, Beesha Caalamka, Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo horjeedo in shirka Jowhar maalamaha soo aadan u gudabayo wejiga Seddaxaad, ma jirto wax caqabad ah oo na hortaagan hadii aynu nahay beelaha deggan Hiiraan, waxaan ka digeynaa inay shaqsiyaad dano gaar ah leh carqaladeeyaan ama tashwiish ku furaan shirka iyo shacabka deggan gobolladan, waxaan soo dhaweynaynaa cid walbo oo gacan ka geysanaysa horumarinta shirkan, waxaana diidannahay cid walbo oo isku dayeysa inay shirkaan fashiliso” ayuu yiri Nabadoonka.

Shirka Jowhar ka socda ayaa la doonayaa in lagu soo dhiso maamul goboleed ay ku mideysan yihiin gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo dhawaan shirkaasi geli doono wejigiisa Seddaxaad.

Goobjoog News