U bood dhigaalka

Waxgaradka Baay Iyo Bakool Oo Ka Digaya In Cadaald Darro Lagu Soo Xulo Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Odayaal Iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ayaa ka digay in si cadaaladda baal marsan loo qaybsado xildhibaanada  Barlamaanka koonfur Galbeed oo wali soo xulidooda ka socota Goboladaasi.

Cabdi Maxamed Macalin oo ka mid ah waxgaradkaas ayaa sheegay in ay dareensan yihiin in ay jiraan  gacan  bidixaysi lagu soo xulayo  xildhibaanada Barlamaanka Maamulkaas ee wali harsan.

Waxa uu sheegay in  iyadoo dadka degan  Deegaanadaas aan laga qaadin cod midaysan iyo waliba  in ay iska soo dhax saaraan  qofka ay doonayaan inuu u matalo  xildhibaanadda Koofur Galbeed aan wax go’aan ah la qaadan karin.

“Waxaa jira culeyso ah in dadka aysan si xurnimo ah u hadli karin, dhaqankii gobalada lagu yaqaanay qaarkood waa la hareer maray, talada dadka ka go’da waa iyaga waana in sida ugu muhiimsan loo ogaadaa waxaan raali laga ahayn inaysan soconeyn”

Nabadoon Cabdi Maxmed Macalin ayaa ugu dambeyn  kula dardaarmay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed in uu ka fayjignaado cadaalad dari ka dhacda hanaanka loo xulayo Xildhibaanadda maamulkaasi.

Goobjoog News