U bood dhigaalka

Waxgaradka Beello Ku Dagaallamay Sh/dhexe Oo Wadahadal Ku Leh Jowhar

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ay soo gaaraan waxgaradka Labo beel oo dhowaan ku dagaallamay deegaanka Buurdheere oo hoostaga degmada Cadalle ee Shabellaha Dhexe.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Sh/dhexe ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in Axadda berri ah uu magaalada Jowhar ka furmi doono shirka dib u heshiisiineed ee Labadaasi beel.

Magaalada Jowhar waxaa laga dareemayaa qabanqaabada shirkaan dib u heshiisiinta ah, iyadoo maamulka gobolkaasina uu diyaariyey halkii ay degi lahaayeen waxgaradka iyo sidoo kale goobta shirka lagu qaban lahaa.

Maalmihii ugu dambeeyay, maamulka Shabellaha Dhexe ayaa dedaal ugu jiray sidii loo wadahadalsiin lahaa beellaha walaalaha ee ku dagaallamay deegaanka Buurdheere.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News